“Adduun waa ku dhufoo ka dhaqaaq”.

Dwelling nomadic Somalis near Cape Guardafui, vintage engraved illustration. Journal des Voyage, Travel Journal, (1880-81).

“Wadduun waa ku dhufoo ka dhaqaaq” odhaahyadii, Maaxig siciid.

Maxaaxig wuxuu ahaa nin ku noolaa dhulka miyiga meel ka mid ah DDS (Somali galbeed-Ogadenia). Wuxuu ahaa nin xoolo dhaqata ah, wuxuu aad u jeclaa geela, wuxuuna caan ka ahaa bulshadii uu ku dhex noolaa xilligaas, isaga oo lagu bartay hadalo xikmad iyo murti miidhan ah, oo illaa iyo haatan laga isticmaado deegaanki.

Waxaa la yidhi, niman seddex ah ayaa bari duulay, markaasay geel soo dheceen, nin baa ka soo dhaawacmay, markay reerkii imaadeen, ayuu Allaha u raxmee Sheekh Muxumed Xayle oo la degganaa, oo reerka dugsi u hayay ku yidhi, “Waar geela boolida ah reerka noola dhaafa”, waagaasi culimada waa la qaddarin jiraye, geelii ayay dib u rogeen oo inta xidh cidla ah geeyeen, ayay hal ka qasheen si ay ninkii dhaawaca ahaa ugu daaweeyaan. Iyagoo xidhkii hashi ku qalanaya ayuu Maaxid Siciid ku soo baxay, kadib wuxuu ku yidhi: War waa maxay meeshan cidlada ah ee aad hasha ku qalanaysaan maad reerka tagtaan”?, markaasay ugu jawaabeen; “Reerka Sheekh Muxumed Xaylaa noo diiday in aan geela boolida ah soo galino, ee kaalay hasha hilibkeeda raro”. Kadib Maaxid Siciid hashii hilibkeedii ayuu wax ka soo rartay, markuu reerkii ku soo baxay ayay dadkii kala hor imaadeen, “War boolida iska celi, war boolida iska celi”. Markaasuu ugu jawaabay hadal maahmaah noqday, balse maahmaah dhaqan xumo horseedi karta ahayd. Wuxuu yidhi; “War iga leexda adduun waa ku dhufoo ka dhaqaaqe”.

 

Waxaan ka qoray, Sheekh Nuuriye Sheekh Muxumed Xayle.