Curiye:- Jaamac Ciise
1: deelayda gabaygii in badan deday warkiisiiye
2: dibnahayga waataan ka jaray in aan daliilshaaye
3: maantana diyaar u ma ahayn in aan durdurtaaye
4: afkaan daaha saariyo niyadu way dalbanaysaaye
5: haddiise aan dabuubtiyo ka furo dabarka suugaanta
6: cidna in aan dureeyiyo ma rabo in aan dar maagaaye
7 Caamana danbaa iga wadee kuma dalxiisayne
8: dabargon qabiil bay fureen doorkan maanta ah’e
9: haddise lagu dawoobaayo ay cidi danaynayso
10: rabaa iigu deeqee murtida aan dib ugu laabto
11: derbiyadiyo dhirtoo lala hadlaad daacad noqoteene
12: doqoniino soomaliyay idin ma daawayso
13: dulmigiyo dhibtaad gaysa taan ducuf mayeeleene
14: derejada waxaad moodaysaan dunidan waa ceebe
16: dhiigaa durdurayoo mindaad dacalka haysaane
17: daaraha janadu abid ka xidhan kii dulmiya ruuxe
18: docihiisa gaajaa ku xidhan daayin idankiiye
19: miyaydaan damiirkii lahayn xumaha diidaayay?
20: miyaydaan danaynayn waxay nolosho doonayso
21: miyaydaan duqaydii lahayn doon jiray khayrka?
22: miyaydaan dastuurkii lahayn diinta laga dheegtay?
23: miyaydaan ka daalay qabiil aragte.dawgiiye?
24: miyaydaan marnaba door bidayn damiya baaruuda?
25: miyaydaan qabiil waa duliye daynin magaciisa?
26: Miyaydaan qabiil waa dunshee weli dareen maynin?
27: Miyaydaan qabiil damac malee dib uga joogaynin?
28: dac kastaba ka eegoo qabiil daawo laga waaye
29: waa kaa dalkeenii ka dhigay lama degaan baase
30: waa kaa dadkeenii wacnaa dayr u kala ooday
31: waa kaa degmiyo gobol ka dhigay doolo iyo hawde
32: duur joogta waa kaa ku yidhi dawladnimo qaata
33: waa kaa dilkiyo noogu wacan in aan is dooxnaaye
34: dalshisheeye waa kaa sidii daani noo wadhaye
35: diirkiina ani ila dhashaan xumo u diidaaye
36: dabka dhiga mindida dalow ku rida dalaga aan beerno
37: aan daryeelo agoomaa dayacan doorkan maanta ah
38: aan duqayda dhaahayno iyo dumarka iifoobay
39: dib u beero noloshii mar qudha inaga doorsoontay
40: dar allee walaalaha is dilay dib u heshiisiino