Amminta :- 10.06.14 Curiso :- Xalwo Bulxan Cali
1. Indhawaydba waataan qabiray qaafadii gabaye
2. Kamana aan qisoon waayadaan saan u qoob xiraye
3. Qarqarka aan ka furo maanta waan soo qadimayaaye
4. Qodobkaan xanuunka leh hadaan qun uga faaloodo
5. Hadii aan qasaaraha uu dhalay qeexo halistiisa
6. Soomalidu miyay qaadanoo sixi qalooceeda
7. Mise yaan laquusanoo rajada yaan la qubin weeye
8. Qaabkastoy ahaataba hadaan qoonta ka abaaro
9. Dawlad iyo markaan qaran ahayn dunidu qiimayso
10. Quwad iyo waxaan xoog lahayd ciidan qalabaysan
11. Wadankii naqoomaba waxaan qiiq kakarinaynay
12. Soo qabayaalad maahayn middii nalagu qayb qaybshay?
13. Soo qabyaalad maahany wixii nala qulaansiiyay?
14. Qaaradda afrikoo idil waxay ina quwaysaaaba
15. Qowlkaan niraahnaba waxay wadar u qaataanba
16. Qaar waxaan xoraynoo jahliga uga qudbaynaaba
17. Soo qabyaalad maahayn middi qoolka noo galisay?
18. Soo qabyaalad maahayn wiixii lay qaddarin waayay?
19. Nabad lagu qaxweeyiyo anoo gole qabow jooga
20. Wabiyada qarkoodii anoo beera qodanaaya
21. Qayraadka badihiyo anoo qubada iib geeya
22. Soo qabyaalad maahayn middi gaajo ii qonoftay?
23. Soo qabyaalad maahayn middi qaxan na leefsiisay?
24. Qabiirriyo aqoon yahanadii baratay qaynuunka
25. Dhaqaatiir bukaan qaba xanuun qun uga daaweeya
26. Qoraagii afkiyo suxufiyiin dhaqanka qiimeeya
27. Soo qabyaalad maahayn wixii loo qisaasahayay?
28. Soo qabyaalad maahayn middi iilka qabadsiisay?
29. Qoryihiyo hubkii maata badan lagu qaraacaayay
30. Jahli aan waxqorin oo xilraba waaguu nugu qooqay
31. Qab qabliyo afmiishaar markuu suudka wada qaatay
32. Soo qabyaalad maahayn middi qaaday magacooda?
33. Soo qabyaalad maahayn middi loo qabbaanahayay?
34. Qolo qolo markii laysu dilay laysna qalanaayay
35. Markii qosyba qoskii ku xigay maarta ku quraacshay
36. Kolkii lays qardoofoo xumaha layska qaban wayay
37. Soo qabyaalad maahayn wixii la isku qoolaayay?
38. Soo qabyaalad maahayn middi laysu qarin waayay?
39. Qaxootiga aduunyada ubadan waanaloo qiraye
40. Intay baduhu qaadeen tahriib maydka quban xeebta
41. Dad ka quustay nolol oo katagay qurux aduunyaadba
42. Soo qabyaalad maahayd wixii lala qammaadaayay?
43. Soo qabyaalad maahayn middi quursi noo lagaday?
44. Boqolkiiba boqol duul muslinoo diin qurana haysta
45. Qola kale dadaan guursanoo aan qaldamin muuqa
46. Hidde qaaliyoon lumin daduu qaadir ugu deeqay
47. Soo qabyaalad maahayn middi gaalnimo u qooshay?
48. Soo qabyaalad maahayn middi qaladay sowdkooda?
49. Qalbi jabay caqliga qawrariyo quus laduluglaynta
50. Qaxan ololay dhiigoo qul-quloo lagu qareexaysto
51. Qiiqa iyo uurada dhulkii qarisay nuurkiisa
52. Soo qabyaalad maahayn wixii qiil ubixi waayay?
53. Soo qabyaalad maahayn middi qoobka aan roganay?
54. Qaramada midoobiyo markaan yuu en qurux moodnay
55. Qaliif iyo wadaadaba markuu gaalku qaawinayay
56. Qabka iyo xishoodkii markuu naga qubtoon waynay
57. Soo qabyaalad maahayn wixii ii qalacay hooga?
58. Soo qabyaalad maahayn middi nala qaniimaystay?
59. Shanta qaaradood meelkastaba waanagaas qubane
60. Qaaruun dhanoo bara kacdaa qadan mayeeshaane
61. Waxaa qaamudkood galay markay qab isku jiireene
62. Soo qabyaalad maahayn wixii noo hogaan qabatay?
63. Soo qabyaalad maahayn middi aan qarfaha meernay?
64. Qayrkaa adoo ladan ku jecel goortay kaa qubato
65. Oo xaajo kaa qulubto baad qun u ogaataaye
66. Markii aan qaxootiga noqdoon waayay qarankayga
67. Qisa naga dahsoonayd muxuu sabanku noo qeexay
68. Qalax iyo maxaan omos marnoon waano lagu qaadan
69. Quduriyo intii murugo aan wada qamuunyoonay
70. Hadii aad indhaha ka qarsataan quusta iyo ciilka
71. Oydnaan kaqiiroon gunnimo waad qayiranteene
72. Oo qabyaalad aydnaan katagin idinku qaan gaartay
73. Qatar tii kadaran baa ka iman qaaradda an-naale
74. Qalad waa dhacaa aadanuhu waa is qardoofaaye
75. Ilaa tan iyo qaabiil intaa qoonsi baajiraye
76. Boogtaan qumaati ubogsoon waa qumbucataaye
77. Inta aad qiyaar leedihiin saxa qilaafkiina
78. Qol kuxira qabira oo iblays yuusan idin qoolin
79. Quful iyo silsilad aan go’ayn kuqodba oo tuura
80. Isnacaybka ka qubaysta oo wada jir qaabeeya
81. Is cafiya quluub saafiyaan eebe qadinayne
82. Iimaan qabyaaladi dagtaa wuu qalalayaaye
83. Aan ku qoyno quraankiyo sunadaa lagu qaboobaaye
84. Qaraabo iyo ehel wada dhashiyo reer quraa nahaye
85. Shaydaanka qulubkiisa badan yuusan na qiyaamin
86. Qabribaa na sugayiyo xisaab iil naloo qodiye
87. Dad qiyaame dhowraaaya oo qoolan baa nahaye
88. Qiima male aduunyee lahwigu yuusan idin qoolin
89. Rabi lagama quustee baryada uqalisoo tuuga
90. Tubta teeda qayrka leh rabina hayna qabadsiiyo
91. Dadka yagoon qabyaaladi kujirin oo isku quluuba
92. Qaadirow adaa heli karee uu is gacan qaado. Aamiin..