Q-21 shandaranley

Balayax waxaa mararka qaar ku dhici jiray in ay gabdhaha xaafadaha u shaqeeya ka amaahdaan duruuc ama garba-saaro, dabadeedna markuu maalmo ka dib is yidhaahdo lacagta u doono, ayaa markuu guriga imaado loo sheegaa in ay shaqadii ka tagtay, balse in kasta oo lacaga yaryar lagala tagi jiray, haddana kuma khasaari jirin, ee marba qaddar macaash ah ayuu ka heli jiray. Balayax wuxuu ahaa nin aan balwadi dhuuqayn, oo waxoogaaga uu aruuriyo jeebka ayuun buu ku hayaa. Sidaa awgeed, wuxuu lacag u dirdiri jiray reerkoodi oo uu duca ka shaqaysan jiray. Soomal-haadka iyo hanfiga kulaylka xeebta Jabuuti, mar qudha kama hadhgali jirin. Sidaa darteed, marka ay gol-casta duhurnimo ugu daran tahay ee ay cid waliba meel hadh leh ku eerato, Balayax wxaa lagu arki jiray laamiyada iyo luuqluuqyada xaafadaha dhexdooda, isaga oo doondoonaya cid uu wax ka iibsho.

Balayax qorraxdu saaxiib lama ahayn, ee sida ay dadka kale u gubayso ayay isna naftiisa u gubaysay, waxaase dabada ka waday naftiisa oo waxay quudato ka rabta waaagii cir cuduutaba, Jabuutina kuma haysto eheliyad uu nafta kula eerto marka ay dhanaanaato. Waxaa kale oo jiif iyo joogba u diiday waayaha reerkoodu ku sugan yahay, iyada oo ay colaad iyo abaari isku barkaday mood iyo noolba ka rifeen. Waxaa jirta gabadh sukhra la yidhaahdo oo ku nool magaalada Jabuuti, goor casar gaaban ah oo ay shamsadu waran in le’eg ka sarrayso dhulka, suudiga xeebtuna soo dhacay ayay sukhra hurda ka toostay, ka dibna iyada oo gashan xammaalad xafiif ah oo ay ku seexatay tuwaal yarna qarqarka ku sidata ayay gashay xamaamka qabayska.

Dabadeedna is hoos taagtay qasabaddii qabayska oo ay biyo isku shagax siisay, inyar ka dibna waxay ku soo noqotay qolkeedii, ka dibna iyada oo labisan xammaaladii khafiifka ahayd ayay is hor taagtay muraayad wayn oo ku taal wajahadda kabadha dharka lagu wadho oo qolkeeda gaarka ah ku dhextaal. Sukhra waxa waxa hamash ka dhigay balallo timo ah, oo tiro iyo tayaba leh, ka dibna intay dabada qabsatay saqaf ku shaqeeysa korontada laydhka ayay si farshaxanimo leh ugu shanlaysay timaheedi. Sukhra markii ay hummaagga muraayaddu tustay inay quruxdii wejigeedu baraarugtay, oo uu jidhkeeda ka duulay cambuskii hurdada, ayay haddana soo qaadatay, mindiisha ciddiya gammuurta ah, oo ay isku dhishay. Shukhra waxay kursi soo dhigatay daaradda hore ee gurigooda.

Si ay u daawato dhaqdhaqaaqa suuqa iyo dadka marmaraya waddada laamiga ah ee gurigooda ka horreeya. Sukhra, waxaa ku dhacaysa neecow macaan, oo ah walwal galbeed lagu yaqaan dhul xeebeedka. Waxayna indhaha la raacaysaa dadka iyo baabuurta waddada is-dhex qaadaya, balse dadka iyo baabuurta isku si u xiisayn mayso, ee guuxa iyo dhaqdhaqaaqa gawaadhidu, dareenkeeda waaba dhibayaan. Sidoo kalena, haweenka waddada marayaa aragtidoodu wax qiimo ah uguma fadhido, waxayse indhaha aad ula raacaysaa wiilasha dhallinyada ah ee faceeda ah, kuwaas oo ay isheedu sida shiishka qoriga u qabanayso.

Sukhra, waxay kolba wiil indhaha la sii raacdaba, waxa ay markii dambe mar qudha isha ku dhufatay bidhaanta wiil barbaar ah, oo ay cedceedda galabnimo salaanta wajiga ka hayso, waana bidhaantii seddexaad dhinaca ragga ee ay indhaheedu si sugan u milicsadaan qaddarkii ay daaradda fadhiday, wuxuuna wiilkaasi garbaha ka kala riday maryo dumar, oo uu iib ahaan ula meerayaysanayo. Sukhra, intay kor u kacday ayay jeedaalo xiisa leh aad indhaha ula raacday iyada oo qaddar toban ka badan si aan libiqsi lahayn ugu dhaygagtay.