Waxay inoo maraysay halkan;
“Sukhra, waxay kolba wiil indhaha la sii raacdaba, waxa ay markii dambe mar qudha isha ku dhufatay bidhaanta wiil barbaar ah, oo ay cedceedda galabnimo salaanta wajiga ka hayso, waana bidhaantii seddexaad dhinaca ragga ee ay indhaheedu si sugan u milicsadaan qaddarkii ay daaradda fadhiday, wuxuuna wiilkaasi garbaha ka kala riday maryo dumar, oo uu iib ahaan ula meerayaysanayo. Sukhra, intay kor u kacday ayay jeedaalo xiisa leh aad indhaha ula raacday iyada oo qaddar toban ka badan si aan libiqsi lahayn ugu dhaygagtay”.
Wiilka dhallinyarada ah ee maryaha dumarka la wareegayaa ee gabadha dareenkeeda soo jiitay, waa Balayax. Hase ahaatee, sukhra ma taqaan magiciisa, waase markii seddexaad ee ay aragto. Balayax, wuxuu warwareegaba, wuxuu ku soo dhawaaday Sukhra gurigoodii, isaga oo daydayaya cid ku tidhaahda diraca ama googaraddu waa imisa. Isla markaasna Balayax cid maryo ka iibsanaysa oo maryaha markay aragto u yeedha mooyaane, ma rumaysna, xisaabtana uguma jirto cid baa araggaada xiisaynaysa.
Sukhra iyo Balayax, waa laba qof oo aan xagga nolasha abtirsiimo wadaagin ee kala fog. Maxaayeelay, Sukhra, waxay ka dhalatay qoys maalqabeen ah, oo aad u ladan, oo ay baahida nolasha kala yara dhuunteen.
Sukhra, waxay ayaamo ka hor ka timid dhinaca magaalada Baariis ee caasimadda Faransiiska, halkaas oo ay kaga jirto Jaamacad sharciga lagu barto, waxayna ku jirtaa fasax. Sukhra, midabkeedu waa maarriin, laakiin barwaaqada iyo bii’ada ay ku nooshahay, ayaa jidhkeeda aad u subkaya, waxaana midabkeedu u egyahay, casaan dhalaalaya oo midabka dahabka oo kale ah.
Sukhra inkast oo ay tahay gabadh reer magaal ah, oo aqoon iyo il magaalo wax badan ku soo dhax jirtay, haddana ma aha qof ku milantay ilbaxnimada khaayiska ah. Sidaa awgeed, way ka badbaadday isticmaalka alaabooyinka kiimikada ah, ee ay gabdhaha qaarkood quruxda ka daydaan, quruxdii Sukhra, waxay ahayd qof garasho leh, oo caqligeedu ku filan yahay. Sidaa darteed, markii ay kacaantay, waxay diiradda saartay oo ku dhaqaaqday in ay mustaqbalkeeda ka shaqayso oo ay nafteeda iyo shaqsiyadeeda dhisto, waxaa kale oo himilooyinkeeda nolaleed ee ay hiigsanaysay ka mid ahaa inay hesho nin xalaal ah, oo ay nolasha wada qaybsadaan.
Sukhra tiro laba galbood ah oo hore ayay indhaheedu qabteen Balayax, waxayna ku milicsatay daymo dhumuc leh iyo dareen xiiso leh. Sidaa darteed, Sukhra waxay aragtida Balayax, ku beertay damac jacayl iyo dareen soo jiidasho leh, isla markaana waxay labadii galbood ee horeba u hollatay inay la hadasho, waxaase walaaciyay aqoon la’aan iyo il nugayl gabadhnimo.
Laakiin galabtaas oo ahayd, galab seddexaadeedii waxay ku talo gashay in ay la hadasho oo ay xidhiidh iyo sheeko la billawdo.
Balayax wuxuu wareegaba, wuxuu soo hormaray sekeddii uu ku yaallay guriga Sukhra, ka dibna dumar hor fadhiyay xaafado ay Sukhra reerkooda daris yihiin ayaa joojiyay oo eeg eegay maryihii uu iibinayay, balse, intii uu Balayax dultaagnaa dumarkii ayay Sukhra u soo baxday dibadda, ka dibna markuu dumarkii ka soo dhaqaaqay ayay u yeedhay, dabadeedna wuu ku soo leexday, wuxuuna markaa sitaa Duruuc miidhan, oo aan noocyada aadka u qaaligaa ahayn. Balayax markii uu soo dul joogsaday Sukhra ayay ku tidhi: “Waa imisa qiimaha maryuh.” Ka dibna wuxuu ugu jawaabay qiimo jaban. Dabadeedna waxay ku tidhi: “Waan kaa wada iibsanayaae lacagtooda isku xisaabso.” Balayax intuu aad u farxay ayuu xisaabtii u sheegay. Sukhra maba xidhato duruucda noocaas ah, sidaa awgeed, intay kala bixbixisay ayay isla markiiba u qaybisay dumarkii ay jaarka ahaayeen iyo dumar kale oo masaakiin ah.
Sukhra intay gurigii dib ugu noqotay ayay lacagtii uu sheegtay u soo qaadday, , ka dibna intii aysan lacagta gacanta u galinin ayay ku tidhi: “Walaal magacaa?” Markaasuu yidhi: “Balayax baa la i yidhaahdaa”. Dabadeedna intay lacagtii u dhiibtay ayay ku tidhi: “Lacagtii waatane hoo… laakiin waxa aad yeeshaa caawa toddobada fiidnimo guriga iigu imo muraad baan kaa leeyahaye”. Balayax intuu yaabay ayuu yidhi: “Ma aniga?” Markaasay ku tidhi: “Haa” Ka dibna wuxuu ku yidhi: “Waayahay”.