Saaxiib waa qof aad is-af garataan, oo ay fikradiinu israacdo, saaxiibnimadu waxay ka timaaddaa is barasho lays dhaqan iyo sheeko bartaa. Saaxiibnimadu waxay keentaa xidhiidh gaar ah iyo isu dhawaan kalgacal leh. Saaxiibka wanaagsan waa kan gacanta ku qabta, samaana ku fara, wixi xuna kaa reeba, wixi uu jecelyahayna kula jeclaada. Saaxiibka wanaagsan waa kii markaad bukooto ku soo booqda, haddii dhib wayn ku gaadhana had iyo jeer ku garab taagan. Saaxiibnimada wanaagsan waa midda labada qof tusta xidhiidhka kalgacalka leh iyo is jeclaanta. Saaxiibnimo ma aha sida dadka qaarkiis u yaqaana ee ah in wax xun lays faro, ballanfur iyo dhadhagarna lagu dhaqmo. Saaxiibnimada wanaaggeedu waa: in lays kaalmeeyaa, wixii fiican laysku sheegaa, wixii xunna layska reebaa, Ilaah cabsidiisa lays faraa, dadkana la xaq dhawraa.
Saaxiibnimada wanaagsan waa mid ku dhisan kalsooni, daacadnimo, deeqsinimo, aaminimo, akhyaarnimo iwm.