Sukhra mar kale ayay ku celisay “hadda ha ii goynin, waan ku sugayaaye,” Balayax waxa uu isna ku celiyay “Waayahay waayahay”. Sukhra intay yara qososhay ayay ku tidhi: “Markaad guriga timaaddo sukhra ayaan doonayaa dheh,magacana ha illaabin”, intaa markii la is yidhi ayuu balayax dagdag u dhaqaaqay intuu lacagtii ay maryaha kaga gadatay jeebka gashaday, Sukhra markii uu Balayax dhaqaaqay ayay sii daawatay sii jeedkiisa, kadibna markii uu ka libdhay ayay gurigii dib ugu laabatay iyada oo isku qancisay inay hawl badan nafteeda u qabatay galabtaas, farxadna la kala badatay.
Balayax, waxaa oogadiisa ka muuqatay diif iyo darxumo badan, maxaayeelay, waa nin aan nolol wanaagsan ku noolayn oo maalin oo dhan cadceed wareegaya, habeenkiina daarad horteed jiifsanaya. Hase yeeshee, Sukhra waxaasi uma muuqdaan ee waxa kaliya oo u muuqda suuraddiisa yaabka leh iyo rabitaankeeda nafsaaniga ah, waxaaba laga yaabaa dookhu waa cajiibe in ay diifta iyo suurada nololeed ee ka muuqata ku raacday.
Naftu waxa ay jamato, loogama taag helee, Sukhra si aan qiayas lahayn bay nafteeda ugu qancisay Balayax waxayse hoosta iska waydiinaysay, “Tolow xaas ma leeyahay?”, balse, xataa, haddii uu yeesho xaas kale, dareenkeedu kama xiiso goynayo oo waxay nafteeda ku qancisay in ay macal xaaskiisa ku qaadato.
Sukhra, aabbaheed wuxuu ka warwari jiray inay gabadhiisu dhaqanka gaalada ku milanto, oo ay maalinta dambe nin gaal ah ula timaaddo wuuna necbaa dhaqanka gaalada, Wuxuuna wadnaha farta kaga hayn jiray in la soo sheego gabadhiis a oo Baariis nin Faransiis ah Jaas kula cayaaraysa, waligiina ma filayn inay jeclaan doonto, wiil yar oo waddooyinka magaalada iyo luuqyada xaafadaha dhexdooda dayac iyo qoraxi ku dilootay.
Hase yeeshee, Sukhra iyo Aabbeheed way kala war la’aayeen maxaayeelay Sukhra ma jeclayn ragga dabaqadda sare ku nool iyo wiilasha reeraha ladan ka dhashay dhaqanka gaaldana way necbayd.
Markii ay xilligi ballanta gaadhay ayuu balayax gurigii Sukhra soo qabtay, isaga oo aanay maskaxdiisu wax yarna ka malaynayn muraadka ay gabadhani ka leedahay. Balayax, ma soo beddelan dharki ee waa siduu galabta kaga tagay Sukhra, wuxuuna xidhan yahay surwaal iyo shaadh hudhaydh ah, oo meel walba ka caddaaday siduu qorraxda ula wareegayay iyo kabo buudh ah oo afka hore ka duleela, oo markuu tallaabsadaba ciidda cantuugaya. Jidhkiisana waxaa ka soo suudhaya qorraxdii maanta dhan uu ku wareegayay. Balayax markuu gurigii Sukhra tagay ee uu albaabka garaacay, waxaa ka furtay gabadh oo ku tiri: “maxaad doonaysaa?”
Markaasuu ku yidhi: “Waxaan doonayaa Sukhra”. Dabadeedna gabadhii intay huruuftay ayay ku tidhi: “Waryaa hudhaydhle yaa ku baray Sukhra? waar soco.” Balse intaanu Balayax dhaqaaqin ayaa Sukhra oo dhagtu taagnayd hadalkii maqashay ka dibna intay haw soo tidhi ayay gabadhii Balayax la hadashay indhaha kaga dhacday oo cananatay, oo waliba ku sigatay inay gacanta saarto, markaasay Balayax ku tidhi: “Soo soco walaal.”
Balayax ayaa gurigii horay u galay. Daaradda guriga waa mar-mar, balse, Balayax wuxuu daraddii sii dhex-maray isaga oo sita kabihii canjalafka ahaa ee afka ka daloolay, markaasuu ciid kuuskuusan kaga tagayaa meeshuu cagsaaraba, waxaase basrisay Sukhra, waxay Balayax fadhiisisay qolkeedi oo si fiican u goglan, kadibna kursi fadhi ah oo buush ka samaysan ayay tidhi ku fadhiiso, iyana mid kale oo ka soo horjeeda ayay soo fadhiisatay, markaasay cod naxariis leh ku tiri; “Walaal maxaad cabbaysaa?” Balayax oo si diidmo ku jirto, dhagahana taagtaagaya ayaa yidhi: “Igadaa waxba cabbi mahayo, oo harraad ima hayee”. Sukhra intaa kuma dayn ee intay soo agdhigtay noocyo sharaab ah sida pebsi colla, faanto iyo maridho ayay tiri: “Walaal kla dooro” Balayax, intuu cabbaar aamusay ayuu ku yidhi: “Naa aniga iga daa bahalahan oo shaah ma haysaa?”
Sukhra intay qososhay bay tidhi: “Haa walaal, sidee baan shaah loo hayn” Markaa ayuu yidhi: aniga fijaan qaxwa ah ii dhiib” ka dibna intay falaas shaah ah soo agdhigtay ayay bakeeri ugu shubtay shaahii. Dabadeedna markii ay shaahi siisay ayay ku tidhi: “Balayax waxan ku waydiiyay, qaadka ma cuntaa sigaasrkase ma cabtaa”, markaa ayuu ku yidhi: “maya midna iskuma dayo, wax balwad ahna ma lihi”, waxa ay haddana waydiisay, “Wax xaas ah ma leedahay, “maya” ayuu yidhi.