Kow ma joognee aan iskaashano!

???????????????????????

Nolasha adduunyada wanaaggeedu waa maalmo kooban, magac iyo sharafna waa ka maalinta aad dhimato taariikh ahaan kaaga hadha. Anigu u jeeddo kali ah baan nolasha ka leeyahay taasina waa dadkayga oo miyi iyo magaalo meel kastaba ha joogee hormar iyo barwaaqo gaadha daryeelkana ka sinnaada.

Dhallinyarada oo ah lafdhabarta dalka ayaan rabaa inaan waxa looga baahan yahay tuso. Hormarku waa seddex qaybood oo kaliya; in la qabtay, in hadda gacanta lagu hayo iyo in la raadinayo. Bulsho ahaan waxaa jira qaabdhismeed kala duwan balse hal jiho ah ku aroora. Tusaale, waax kasta oo bulshada soomaali matasha waxaa lagu hallaynayaa kaalin muhiim ah oo lagu aamminay. Waaxahaasi waxaa ka mid ah:-

Ciidammada qalabka sida ee umadda badbaadinteeda u taagan, run ahaantii nabadgaliyada dalka iyaga ayaa lagu aamminay, waana waajibaad had iyo jeer ay u taagan yihiin ka midho dhalinteeda naftoodana way u huraan. Waa inaan markasta xasuusanaa maankana ku haynaa, in ay dhibaato oo dhan madaxooda u dhigtaan iyaga oo soo jeeda mar kasta.

Culimada diinta waxay bulshada kaga jiraan meel aan cidina moogayn, iyagaa umadda hagid iyo hanuun ugu hagar baxa, waxayna u xilsaaran yihiin laguna aaminay;

Arrimaha sida;

-Guurka iyo cilmiga la xidhiidha
-Geerida iyo cilmiga la xidhiidha
-Cibaadada iyo cilmiga la xidhiidha
-Dambiga iyo ka wacyigalinta bulshada
-Gudniinka iyo cilmiga la xidhiidha IWM.

Culimadaas waa in aan sidi loo karaamayn jiray ula dhaqanaa, waxna uga dhagaysanaa oo wax ka baranaa.

Waddankeena ma muuqan karo mar haddaysan dumarka iyo raggu iskaashanin. Dumarku waa in ay magacooda iyo maamuuski ay bulshada ku dhax lahaayeen muujiyaan. Haddii uu qofku Alle tala-saarto cidina madixiisa ma loodin karto, in kasta oo dadka aqoonta gaaban aanay xaqiiqadaas ogayn.

Dalkaada mugdiga iyo aqoon la’aanta, gaajada iyo cudurka ka cidhib tir, kaalintaadana ka qaado shaqsiyow.