Ka Bogasho Wacan:-
Gabayga:- “BIR-MA-GAYDO” :-
CURIYE:- Sahal Cabdullahi Buule
Amminta:- 19/06/2014
Dalka :- CANADA
1. Ma’da gabayga suugaan milgale, masafo googoosa
2. Geeraar murtile heellada macaan, mihindiskii saarka
3. Meelbaan ku tiirshaye ma curin, maalmihii tagaye
4. Eegaanse maraqii ka furi, midig ka haaneedi.
5. Runtii maganta beentaw ahayd, murugtay xaalkeede
6. Cadligoo xaqdarro sii martiya, muuno beel noqoye
7. Mucna erayga miisaaman bay, dhago majeertaane
8. Mabda’ xumida magaceed ba’daa, mur iyo deebaaqda
9. Qabyaalada maroortiyo ciqdiga, maanka lagu haysto
10. Masiibooyinkay dhalisay baan, midhadh ka faalayne
11. Bir magaydadaa aan labixin, maxasta bayhooftay
12. Mahurtada is dooxaysa iyo, maati le’anaysa
13. Madiga hooyadii kali lahayd, aragto maydkiisa
14. Mashaqada qabyaaladu dhashiyo, murugo sow maaha?!
15. Reeraha la maydhaamayee, xumaha loo miisay
16. Ee Mooska lagu teediyee, dayrka lagu meershay
17. Muuq iyo AF iyo Diin ileen, mala mid weeyaane
18. Magacyada silooniyo ragoow, midab-takoorkaasna
19. Mashaqada qabyaaladu dhashiyo, murugo sow maaha?!
20. Maneenada siyaasigu watee, ku marmar soonaayo
21. Muusanowga beenta ah hadduu, toos umaqashiiyo
22. Muraadkiisa gaarka ah dhakhsaa, loogu meel marine
23. Mihnadiisu Waa tiisa qudha, waana loo marage
24. Waxa madaxa looguba lulaa, magac qabiileeda
25. Waxa mool Wadaantii kuriday, baadilkana muujay
26. Mashaqada qabyaaladu dhashiyo, murugo sow maaha?!
27. Caqligiisa ruux maalayaa, maba daneeyeene
28. Majaraha caqiidada saxda ah, mooge laga daahay
29. Macaan bay qabyaaladi u tahay, malabsidiisiiye
30. “Cimraankii” makiidada u dhigay, maahirkana sheegtay
31. “Umawiguu” minjaha xaabiyee, meesha kana qadaayay
32. Sawkama macaasheen haday, haybi tahay maangal.
33. Qarankii milgaha wayn lahaa, magaca soomaali
34. Waxa dumiyay saw miidhistiyo, maaha magac-sooca?!
35. Marxaladaha aduunkana kajira, milaygan aan joogno
36. Muruq iyo naf iyo maal ba yurub, waa mid gabigoode
37. Mafogayna goortuu “Jarmani”, mirayay “Baarise”
38. “Faransiis” mataanay noqdeen, maanta “Ingiriise”
39. Maskax talisay baa aayar uun, maydhay xumihiiye
40. Ka masaxa quluubtoo naxliga, gees isaga meersha