Waxaa kale oo ay ku tidhi: “Adigu ma reer Jabuudi baa tahay?” wuxuu ku yidhi: “maya ee Hargaysa ayaan ka imid”. Haddana waxay ku tidhi: “Maalin kasta ma dharkaad la wareegtaa?” “Haa” ayuu yidhi. Waxaa kale oo ay waydiisay: “Balayax, maxaad jeclaan lahayd inaad mustaqbalka noqoto?” wuxuuna ugu jawaabay: “Waxaan doonayaa, inaan bacadle wayn suuqa ka furto, oo aan dhar badan iyo diracyo badan iibiyo”. Sukhra waxa ay haddana ku tidhi: “Ma intaas oo qudha ayaad doonaysaa, miyaadan wax kale u baahnayn” Balayax wuxuu yidhi: “Uma baahnin”. Sukhra oo xiisaynaysa jawaabaha Balayax ayaa tidhi: “Balayax gabadh ma la sheekaysataa?” “Maya” ayuu yidhi. Waxaa ay haddana ku tidhi: “Habeenkii miyaadan cidna raacin, oo aydan suuqa u wada bixin?” Wuxuu yidhi: “Walaal habeenkii dibadba uma soo baxo, maxaayeelay, sharci ma lihi, oo booliska ayaan ka baqaa, sidaa awgeed, xaafad baan la seexdaayoo fiidcawlka ayaan hoydaa, salaaddiina waan kacaa oo duruucdayda ayaan la meeraystaa, marka waxaa aad sheegayso hawlahayga maaha”. Sukhra madaxa ayay ruxday, maxaayeelay wax badan ayay ka fahantay dhaqankiisa iyo xaafaddiisa nolaleed, si ay haddaba diidmada uga saarto ayay ku tiri: “Balayax tiifiiga aan inoo shidee filimada nooceed jeceshahay?” Wuxuu ugu jawaabay: “Maba daawado”. Markaasay haddana ku tiri: “Haddaa aan shiriigga (Raadhyawga) inoo shidee heesee ayaad dhagaysataa?”.
Wuxuuna ugu jawaabay:- “Heesahana ma dhagaysto”. Markaasay ku tiri: “Miyaadan heesba aqoon?” Markaas ayuu yidhi: “Hal hees baan aqaan”. Waxay ku tidhi: “Waa tee bal ku luuqee”. Markaasuu isaga oo ku luuqaynaya wuxuu yidhi: “Tolla’ay reer Hargaysow, dhankaad iga jirtaan bay dhaxantu iga haysaa”. Sukhra ma maqal waligeed, heesta iyo fanaan qaadayabaqa”. Dabadeedna intay yara qiirootay, ayay tiri walaal yaaqaada?” Wuxuu yidhi, “waxaa qaada maxamed mooge liibaan”. Sukhra waxay markaa ku tiri: “Walaal ninkaa cajaladdiisa magaalada ma laga helayaa?” Dabadeedna wuxuu yidhi, “Haa” Balayax sheekadiisa iyo dareenkiisaba waxaa laga akhrisanayaa in ay wax haystaan oo geeliisa cirka lagu maalayo.
Sidaa awgeed, Sukhra waxaa ay fahantay in ninkan ay dhibaato dalkiisii ka keentay, oo uu halgan ugu jiro ama aad uga fekerayo dadkiisii oo laga haysto. Sukhra aad bay mabsuud uga tahay Joogista uu Balayax la joogo, ka dibna kamarad yar oo ay haysatay ayay ku sawirtay, wayna marba marka ka sii dambaysa ku sii istareexaysaa sheekada iyo la cawaynta Balayax, isla markaana Sukhra waxaa ku beermay oo jacaylkii u dheeraaday, qaddiyadii qaddiyaddii Balayax ee halganka. Iyada oo ya Sukhra sheekadu meel fiican u marayso, oo uu dareenkeedu naruuro iyo nasteeco quudanayo ayuu Balayax yidhi: “Walaal waxaa la gaadhay xilligii aan tagi jiray guriga aan seexdo, maxaayeelay goor hore ayaan hoydaa, oo waxaan ka baqayaa jaandaranka, markaa waan hoyanayaa”.
Sukhra ma jecleyn in uu Balayax ka tago ka dibna waxa ay ku tidhi: “Walaal cabbaar iska joog, aniga ayaa hadhaw booliska ku dhaafinayee, haddii kalena iskaba joog gurigaanaga waad seexan kartaaye”. Balayax wuxuu ugu jawaabay, “Naa maxaad tidhi?, sidee baan u seexdaa guri dad leeyahay?!” Sukhra intay qososhay ayay tidhi: “Gurigu waa gurigaayagi, aniguna xorriyad baan u haystaa haddii aad rabti waad seexan kartaa.”
Balayax arrinta seexashada gurigaan waa ka cudurdaartay, Sukhrana markay aragtay inay wiilka ku adagtahay, ayay ku tidhi: “Haddii aadan ila joogayn, oo aad caawa iga tagayso, marka habeen dambe ii kaalay, oo toddobadan fiidnimo yaana ku waayin, maxaayeelay muraad wayn baan kaa leeyahay.” Ka dibna wuxuu yidhi: “Waayahay” Markaas ayuu sidii bisad la sii daayay degdeg albaabka uga baxay.
Balayax markii uu daaradii uu seexan jiray tagay ayuu is waydiiyay “Tolow muraadka ay gabadhani kaa leedahay halkee buu daaran yahay, qaabka ay doonaysaa waa noocee, malaha gabadhan caynkaa u eg, ee reerka kibray ka dhalatay, ninkaagan cagaha cad wax kale ku falimaysee inaad u shaqaysay doonaysaa.”