Curiye:- Dahir Ismacil warsame (Suldan)
Magaalada:- Riyad, Saudi Arabia.
Deel gabay ayaamahan cabdaw, kama digsiin heese
Dabarbaan ku xidhay oo ma tirin, doorarkii tegaye
Waxse maanta igu diray tixdaad, dihatay nuuxow e
Markaan daalacduu maanku yidhi, gabay dareensiiye
Ku darsaday midhkaygii dibnuhu, hadal ma daayaane.
Dadaal iyo tacliin wiil jeclaa, faysalow darajo
Wuxu abid ba daalaa-dhacuu, doono inu foozo
Dan wax barasho moodee cilmiga, daabac u huleelo
Dugsiyada u kaco ee in badan, dahane gaajoodo
Degta buuga saaruu wax badan, qalinka door moodo
Wuxu soo duduucaba markuu, deelka ka higaadsho
Uu darajo sare baaso ee, jaamacado doonto
Walow uu duruuf adag ka maray, uu digrii qaato
Shahaadada markuu soo dul dhigo, shaqada uu dooni
La danaynba waayee la dhaho, doono odaygaaga
Ama diro wasiirkaga iyo, hadallo deelqaafa
Darka saw ugama soo galaan, duub-cad reer hebela
Iyo debed wareeg ay wataan, niman xil doonaayay .
Mudo saw ma doodoo ma dhaho, waa dikrii tani
Gal baa laguba duuboo Jawaab, deeqda lama siine
Duul reer hebla’abaa jagadan, loo diyaafadine
Waar debeda noo dhaaf la yidhi, diid wasiirkuba’e !!
Dirqi-socod ah saw kuma baxoo, wahan ma daymoodo
Dib saw uguma laabtoo xasuus, damaqda may gaadhin
Qalbigiisa kuma soo duxaan, dhawr dekano oo xun
Dacal saw ma fiirshiyo degtii, hooyo ku xanbaartay
Duruuftay ku noolayd markay, “fee” la daba joogtay
Goortay dirayskiyo dharkaba, daacad ugu go’say
Danyarnimada xaalkeed markaa, dibu xasuus-raacsho.
Waa dadaal khasaariyo naxdine, saw ma dalan doolo?!
Degelkiisi hooyuu Jeclaa, Sow Nac Kama Doorto ?!
Saw kama dawaafoo qurbaha, aayo uma doonto ?!
Dulli weeye eexduye wax badan, saw ma dalambaabo?!
Dacdarada qaracankii la baday, sow dan uma qaato?!
Mansab iyo haduu duunyo helo, saw durduro jiidhka
Isaguna darkii loogu shubay, deeqda kuma qaybsho ?!
Intaasoo dayaca kuman dahsoon, kuman la duudsiiyay
Dulli iyo xumaanbuu qabiil, dabad usoo saaray
Da’yarteeni lumi waana dagay, dihinka ruuxdoode
“Danguud-qadiye” inu yahay qabiil, waa daliil dhabahe
Dan midaysan iyo wada jirbaa, lagu ducaystaaye
Aan dunida gaadhnee qabiil, dayr halagu oodo
Da’yartaay is kaalmaysta oo, damaca nooleeya
Si’aad duni u gaadhaan marqudha, dacal kasoo jeesta
Ka Dalaca anaa reer hebla ah, oo dan mida yeesha
Oo Daacad iyo ehel is jecel, doorka saxan qaata.