Q-25aad shandaranley

Balayax markii uu daaradii uu seexan jiray tagay ayuu is waydiiyay “Tolow muraadka ay gabadhani kaa leedahay halkee buu daaran yahay, qaabka ay doonaysaa waa noocee, malaha gabadhan caynkaa u eg, ee reerka kibray ka dhalatay, ninkaagan cagaha cad wax kale ku falimaysee inaad u shaqaysay doonaysaa.”

Balayax habeenkii odhan hurda ma ladin, maskaxdiisunan aad ayay u shaqaynaysay, waxaana ku abuurmay fikir cusub iyo dareen yididiilo leh, waxaana u muuqday oddorosyo jacayl oo aanu baryahaas oo dhan ku fikirin. Sidoo kale gabadhii Sukhra ahayd habeenkaa cunto iyo caways kale toona uma baahan, waxayna la laba lagdootay farxad iyo raynrayn, iyada oo isku qancisay in ay libin wayn gaadhay, ka dibna markii ay nafteeda la shawrtay, waxay talo ku soo uruurisay, inaanu Balayax kulankan kulanka xiga dib u laaban, ee ay u muraad sheegato, ka dibna ay aabbeheed ku wargaliso, in ay doonayso in ay ninkan isguursadaan. Sukhra Aabbeheed, aad buu u jeclaa, dadna iyada iyo wiil qudh ah ayuu leeyahay isla markaana Sukhra Aabbeheed aad buu ugu tabci jiray, isaga oo doonaya inay mustaqbal wanaagsan iyo sharaf ku noonaato. Sidaa awgeed, wuu la jeclaa guur, mase jeclayn in uu inantiisa u soo gole-fadhiisto nin duruuc waddada ku iibiya.

Sukhra Aabbeheed, ma jeclayn in uu guur u soo doonto nin aan dabaqadda sare ahayn, oo dan yar ah. Hase yeeshee, tashigiisu wuxuu ahaa, in aanu ka hor iman rabitaanka inantiisa, oo uusan mooraalka ka jabin. Balayax habeenkaa maalinimadiisii wuxuu hawlihiisii shaqo iyo dhar iibintiisii ku dhammaystay, jawi farxadeed iyo shaxshax. Isla markaana wax buu ka baddalay dabeecadihiisii hore, maxaayeelay halkii uu fiidki guriga ka tagi jiray, maalintaa wuxuu tagay goor hore oo casar liiqi ah, ka dibna intuu maydh maydhay, ayuu is-giijiyay oo qaab cusub oo kiisi hore ka duwan u labbistay, maryihiina iska baddalay.

Dumarkii guriga uu joogo ku noolaa, ee dabeecadihiisa yaqaanay, ayaa yaabay, oo yidhi; “Naa yaadha, ma sidan buu u qurux badnaa? tolow maxaa ku soo biiray? kolley wax buu damacsan yahaye, muxuu damacsan yahay?” Balayax oo aad u ilaaliyay xilligii ballanta ayaa markii ay toddobadii dhawr daqiiqo ka hadhsanayd, isku cayntaariyay dhinicii gurigii Sukhra ee uu ballanta ku lahaa, isaga oo aad u dagdagaya.

Balayax intuu uu jidka ku sii jiray, waxa uu ku sii laafyoonayay, jawi xarrago leh, wuuna is daawanayay, isaga oo kolba dhinac iska eegaya, oo saxarka iska dhawraya, ayuu gurigii ku dhawaaday, haseyeeshee markuu suryadii guriga looga leexanayay ku baydhay, oo uu albaabka gurigu u muuqday, ayaa mar qudha inta dhabarka lagaga yimid dhab la siiyay, saa waaba ciidankii jaandaranka ee uu weliguuba ka baqi jiray.

Dabadeedna waxa ay degdeg u waydiiyeen sharcigiisi,, balse, nasiib-darro illeen sharci ma haystee, markii ay ka waayeen ayay ku riteen gaadhi shabaqle ah, oo meel halkeer ah u taagnaa, ka dibna waxay ku tuureen jeel ka mid ah jeelasha Jabuuti jeelkaas oo la yidhaahdo, Gabbood.

Gabadhi Sukhra, oo habeenkaa aad ugu sii diyaar garawday, ayaa geddiga habeenkii oodhan albaabka guriga dibaddiisa taagnayd, oo qofkii dariiqa soo marayaba u malaynaysay isagi.

Ka dibna waxa ay taagnaataba, goor dambe ayaa iyada oo madluum ah, Aabbeheed u yeedhay, dabadeedna markuu ka yaabay dhogor madoobaanteeda iyo in qabar ku yuururo, ayuu waydiiyay waxa ku soo kordhay, balse waxa ay isku dayday, in ay wax qariso oo majare habaabiso, laakiin way qancin kari wayday, wuxuuna iska gartay in ay dibadda cid ku sugaysay, wuxuuna ku yidhi:- “Aabbe cid baad bannaanka ku sugaysaye, ee iskamaad taagnayne yaad ku sugaysay, waxba h aiga qarine.”

Ka dibna, Sukhra, markii ay aragtay odaygu inuu dareekeeda si fiican u fahmay ayay badheedhay, waxayna tidhi: “Aabbe wiil Balayax la yidhaahdo oo aanu ballansanayn ayaan sugayay”. Wuxuuna yidhi: “Aabbe Balayaxu muxuu ahaa?” Waxay tidhi: “Aabbe, waxaa weeye, wiil dhallinyaro ah oo aanu sheekaysano, jacaylna naga dhexeeyo”. Wuxuu yidhi: “Aabbe waad heli doontaaye iska seexo”.

Hase yeeshee, Sukhra habeenkaasi hurdo uma dhadhamin, waxa ayna u laba boglaysay, sidii qof dhiillo ku soo korodhay, waxaana hadheeyay fikir iyo wahan, ma garanayso, meel ay u raadiso, oo aan ahayn in waddada ka eeg-eegto, waxa ayna isku ciilkaamiday fursaddii habeen hore, oo ay isku canaanatay in aanay ka faa’idaysan, oo uu si hawl yar kaga dhammaaday kulankaasi, balse, Sukhra ma oga in uu ninkii Balayax ahaa gacan ciidan galay, oo uu god madaw ku jiro.