Noolaha waxaa uu uqaybsamaa labo qaybood oo waaweeyn oo kala ah dhirta (planter) iyo xayawaanka (Dyr).
Waxaa kale oo jira fungi (sopp) caarycaaryada ku samaysata markii cunto la dhigo, fungigu waa wax aan xayawaankana ka mid ahayn dhirtana ka mid ahayn oo keligood gaar u taagan, wuxuu u eg yahay sida caaryada.
Cunto haddii meel la dhigo waxaa dusha kaga samaysma caaryo. caaryadaasi waa fungi.
Fungigu waxa uu rabo inuu cuno wuu nuugaa taasna xayawaanka ayuu kaga duwan yahay.
Dhirtana wuxuu kaga duwan yahay fungigu ma laha kaloorofiil oo ileyska qoraxda ugama faaiidaysan karo sida ay dhirtu uga faaiidaysato.
Qiyaastii fungigu waa ilaa 72.000 oo nooc iyo in ka sii badan.
Waxaan wada ognahay noolaha inay jiraan qaar badan oo ilmo aragto ah (weeynayso kaliya lagu arko).
Inta badan noolaha (dhirta) boqolkiiba 95% wuxuu ka sameeysan yahay, afar shey oo kala ah karbon, Hydrogen, Oksygen, iyo Nitrogen.
Oksajiintu waa neefta labaad ee ugu badan hawada inagu xeeran, waxaanay samaysaa 21% gibilka hawada ah ee innagu xeeran.
Oksajiintu waa neefta kaliya ee taageerta gubashada walxaha, mana jiro dab baxaya neefta oksajiin la’aanteed, sidoo kale oksajiintu waa neefta taageerta nolosha noolayaasha ku nool adduunka guudkiis.
Nitrogen oo ah neefta samaysa inta u badan ee hawada inagu xeeran ahna 78% hawada, kaarboon laba ogsaaydhka oo ku badan dhulalka ay hawadoodu dikhowdo.
Neefaha wahsada ama qaniga ah “noble or inert gases” sida Argon, Helium.
Neefaaha hawada wasakheeya sida kaarboon mono ogsaaydh, Haydarajiin Salfaaydh iyo neefo badan oo kale.
Dhirtu waxay ka mid yihiin noolaayaasha . Dhirta waxa loo qaybin karaa kuwa bixiya ubax iyo kuwa aan bixin ubax.
Dhirtu waxa ay leedahay ubaxyo u qaabilsan taranka.
Ubaxyada dhirtuna waxa ay leeyihiin qaybo lab iyo qaybo dhadig .
Geedka uu ubaxiisu leeyahay qayb lab iyo qayb dhadig labadaba waxaa lagu kala magacaabaa (bisseksuell) ama (haermophradite)
Qaybta lab ee dhirta waxa loo yaqaanaa (støvbærer),waxaanay ka kooban tahay faxalka (Pollen) iyo Miiqa (Anther) oo sare u haya faxalka.
Q aybta dhadig ee ubaxana waxa loo yaqaanaa (Carpels) ama (Pistil), waxaanay ka kooban tahay fur ubbo (stigma), dhuun ubbo( style), iyo ubbo ubax (ovary), oo uu beedku ku jiro.
Dhirtu waa aas aaska nolosha dhir la’aani waa nolol la’aan.
Dadkii aan dhirtoodda xejisan, waxaa hubaal ah in ay dhakhso ugu noolaan donaan deegaan aan xejindoonin dad, xoolo iyo xasharaad toona.
Faa’iidooyinka dhirtu u leedahay nolosha lama soo koobi karo, tusaale ahaan ma jirto cid aan si toos ah ama si dadban ugu tiirsanayn dhirta xitaa noolaha ilma aragtada ah sida bakteeriyada, fangas iwm.
Waxa jira xiriiro u dhexeeya kheyraadka nool, degaanka, iyo degeneyaashiisa oo ay ka mid yihiin dadka, xayawaanka, geedaha, kaluunka, shimbiraha, noole aan la arki Karin, biyaha, iyo carada.
Dhirtu kolka ay dheef-samaysiga ku jirto, waxay siiddeysaa hawada loo yaqaan Oxygen (O2) ee dadku qaato, la’aanteedna aanu noolaan karin.
Waxay iyana (dhirtu) dib u qaadataa neefta dadku sii daayo ee loo yaqaan Carbon dioxide (CO2).
Sidaasi darteed, dhirta iyana la’aanteen may jirteen.
Sida ay dhirtu cunada u sameysato waxaa laga dhexlay sameynta Borotiin laga quudiyo xoolaha nool, iyadoo la adeegsanaayo hab kiimikeed ah oo la mid ah, kan ay dhirtu cunadeedu ku sameysato.
Sidaas awgeed waxaa dhirtu caalamka u aqoonsaday in ay tahay warshada cunada adduunka.
Cunto samaysigu waa habka noole cuntada u samaysto.
Noolayaashu laba hab midkood ayey cuntada u samaystaan habka kali samaysasho iyo mid ku tiirsani.
Cuntada la samaystaa waa waxyaabaha nooluhu u baahanyahay sida fitamiino, borotiino, kaarboohaydrate, baruur, biyo iwm.
Hadaan dib u jaleecno noocyada samaysiga cuntada.
dhirtu waxa ay cuntadeeda ka samaysaa biyo (H2o), oksajiin (oxygen) iyo hawada kaarboon dhaayoksaydh (Co2), iyada oo kaashanaysaa tamarta cadceeda (qoraxda).
Dhirtu waa isha koowaad ee laga helo tamarta amase qaybiyaha guud ee tamarta.
Qaybaha cunatada ee jirkeenu u baahan yahay waxaa ka mid ah Kaarboohaydataytka (carbohydrates), borootiinka (proteins), baruurta (fats), fitamiinada (vitamins), macdanta (ninearls), iyo waxyaabo kale oo soo raaca.
Kuwaas oo dhamaantood laga maarmaan ah, si looga helo tamarta, ama quwada aynu ku socono iyo koritaanku qofku korayo.
Sadexda ugu horeeya waxaa loo yaqaanaa nafaqo (nutrients).
Halaka qaybaha kale ee vitamiinada, macdanaha, iyo biyaha, iyaguna waa muhiin, waxayna jidhka qofka kacaawiyaan inuu si habsami ah u shaqeeyo. Haydariij-kaarboon(Hydrocarbon)
Waa isku dhafka curiyayaasha kala ah carbon (C) iyo Hydrogen (H), iwm. Kuwaas oo ah curiyaasha ubucda u ah samaysanka saliida ceeydhiin iyo gaaska dabiiciga ah oo ah khayradka dabiiciga ah ee ku jira dhulka hoostiisa.
Isku dhafka labadaas curiye waxaa looga qiyaas qaataa tayada iyo baaxada inta shiidaal ama gaas ah ee dhulka hoostiisa ku jira.
Carbohydratesku waa waxyaabaha jidhkeennu ka helo kulka iyo
tamarta aynuna ku soconayno.
Xigasho. Somali- Startside