Gabay “Dhawaaq”.

CURIYE:- Cabddilaahi Cali (Chine)
Dha’da gabayga waayadan ma tirin, dhihitinkiisiiye.
Dharaarahanba waa taan xannibay, dhigashadiisiiye .
Waa taan ka dhalandhoolayee, aan ka dhawrsadaye.
Hayeeshee markay dheellidaan, dhinac istaagaaye.
Dhaadkaan ku xidho baan intaa, dhumuc u yeelaaye.
Oo dhiiri gelintaan murtida, uga dhawaadaaye.
Markay yare dhanaanaato baan, kaga dhug siiyaaye.
Aan dhawaaqo Maantoo kalaan, dhabu bineeyaaye.
Dhanbaal baan u dirayaa raggii, noo dhawaan furaye.
Dhabbadii wanaagay tusmada, ugu dhaqaajeene.
Ka dhiidhiye xumaatiyo qabiil, aafo dhalintiise.
Dhacdadii abwaannadu qoreen, dhaxalka suugaanta
Dhakhtarkii tusaalayn jiraa, dhigay godkeediiye (X.A.Af-qallooc)
Dhame ina suldaan Tima caddaan, dhaafin xarafkeede.
Dhoodaan sidiisii haduu Daaci, dhebal saaray
Dhaska uu ka tumay erayadii, dhimirku uu diiday
Halku kaga dhuftaa buu murtida, kaga dhabeeyaaye
Dhabcaal baan qiraynine runtii, dhiico may galine
Aan u dhaco xogtaan dhiibiyaan, soo dhiraandhiriyey.
Soomaali waxa dhaawacee, dhiiga ka idleeyey.
Dhimirkana ka galay waa Qabiil, oofta dhaabadaye
Dhakafaarka waa waxa sudhee, dheelalaw badaye.
Waa waxa dhafoorrada dakhree, dilay dhashoodiiye

Waa waxa dhagoolkiyo ka dhigay, dhoohan badidoode
Waa waxa dhukurayee ka jaray, dhogorti saarnayde
Waa waxa dharaaqshee dhurwaa, dhiigga ka idlayne
Dhidarkuna u dooxee u cunay, wadar dhallaankiiye
Waa waxaa dhaqaalaha qasee, dhiisha maanacaye
Waa waxaa xannibay dhuumihii, dhibicda roobaade
Waa waxay la kala dheelliyeen, idil dhamaantoode
Waa waxa dhardhaarrada dunshee, dheelli sababayne.
Waxa kala dhambalay weeye ay, kala dhaqaaqeene
Waa waxaa dhulkoodii qarribay, dhaygaga ahaaye
Waa waxa dhijaantii dunshee, gubay dhirtoodiiye
Waa waxaa dhirbaaxiyo la dhacay, dhagaxyo waaweyne.
Waa waxa dhigoodii ka jaray, mana dhaguugaane
Waa dhuugga xoolaha cuniyo, dhuxun-ku-reebkiiye
Waa dhicir qadhaadh oo hadana, dhagari buuxdaaye
Sun dharkaynabay qooshatooy, dhabaqsanaysaaye
Dheef maleh qabyaaladi marnaba, dhimasho mooyaane
Dhufays lagama helo oo waqeed, dhabar-jab weeyaane.
Khaatumo la’aanbay dhashaa, dhuxulo naareede.
Dhito maleh qabyaaladi hubaal, dhaqan xun mooyaane.
Oo dhicis bakhtiyey baa ka roon, derajo dheeraane.
Dhexdu waxay dalooshaa ninkii, dhaantadeed tuma’e
Dhuunigu ma doogsadu mar qudha, dharagna yeelkiiye
Diintu waa dhiskeenoo intaa, waan u dhididnaaye
Ayaduna dhambaalkay siddaa, waa dhigoo naca’e
Aan dhameyno dhoobada qabiil, dhaaya-xumadeede.
Aan dhababno oo dabar-jarnoo, dhagaxyo sii saarno.