q-26 shandaranley

Ninkii Balayax ahaa markuu habeen ku baryay xabsigii Jabuuti, ee subixii albaabka laga furay xilligii qureecda, ayuu go’aan ku gaadhay in uu baxsado, ka dibna illayn, waa nin tababar kumaandoos soo qaataye, intuu afar nin oo jeelka ilaalinaysay, looto ku wareeriyay ayuu gidaar ka booday, oo taw yidhi.

Hase yeeshee, askar ayaa ka daba yaacday, oo markuu hal cabbaar ah sii ordayay ayaa gidaar dheer oo dhismayaal ahi soo oodday, ka dibna inta la qabtay ayaa si xun loo jidh dilay.

Dabadeedna, isaga (Balayax ah) iyo shan nin oo kale ayaa inta goor habeen madaw ah gaadhi lagu qaaday, la geelay tuulada lawya-caddo oo ku taal xadka, waxaana gacanta loo galiyay askartii Siyaad Barre, ee uu markii horeba ka soo baxsaday.

Ciidankii Djabuuti ee Balayax iyo raggii la socday xadka keenay, waxay ciidankii Siyaad Barre ee ay raggaa u gacan galiyeen u dhiibeen waraaq galaysan, oo laga soo qoray xafiiska nabadgaliyada iyo wada shaqaynta Ciidamada Siyaad Barre iyo Djabuuti,

Warqaddaa waxaa ku qornaa in uu ninkan Balayax la yidhaahdaa ka tirsanyahay ururka SNM, isla markaana uu tababar halis ah ku soo qaatay meesha la yidhaahdo Baabili oo ku taal deegaankaasi Itoobiya haysato, maxaayeelay askarta Djabuuti waxay ka yaabeen tababarkiisa balada ah, saraakiishii ciidamadii Siyaad Barre, markii ay warqadii akhristeen ayay Balayax katiiandeeyeen, waxayna u gudbiyeen taliskii Hargaysa fadhiyay, waxaana lagu xidhay Xabsigii Hangashta ee Magaalada Hargaysa.

Gabadhii Sukhra, laga billaabo tan iyo habeenkii ay Balayax ka hongawday waxay u ahayd yooyaal iyo seexan waa, gabbalkii dhacana wuxuu u ahaa gabbal baas. Jacaylkii cus baa ayaa ku siraatay, oo jiif iyo joogba u diiday, qalbiga ayaa gubanaya oo mar qudha farxad laguma arag, wxa sidaa laylatul-khadarka ku noqday araggii Balayax, waxay noqotay sidii qof aad u harraaddan oo inta biyo xareed ahi lagu yidhi cab, balse markuu is yidhi afka saar laga dhuftay, oo meel loola kacayna garan waayay.

Sukhra, tegistii uu Balayax ka tagay iyo ku soo noqon waagiisii, wuxuu ku noqday af kala qaad, waxay xusuusatay googaalaysigii carruurta ee ahaa, “Meeshaa mar oo muuqaada la waa”. Waxay ku dul dhaygagtay taswiir ay habeenkii ka qaaddaay.

Waxaa hadheeyay boholyaw iyo qulub, dadka ka yacsumay sidaa darteed, ehliyaddeeda iyo dadkii dariskuba markii ay u caddaatay inaanay Sukhra daawo kale lahayn, ninkii Balayax oo ay hesho mooyaane ayay talo adduun noqotay in ninkii Balayax la baadi-doono oo Djabuuti laga dhax raadiyo.

Sukhra iyo Aabbeheed ayaa is raacay, ka dibna iyaga oo gaadhi wata ayay ka yahadiyeen suuqyada dharka huudhaydhka ah lagu iibiyo. Sukhra, marba qof ayay sawirkii Balayax tustaa oo ku tidhaahdaa ninkaa ma garanaysaa, dhawr qof ayaa wajigiisa gartay gartay, balse garanwaayay meel uu u baadi yahay, ninkii ugu dhawaa ayaa sheegay in la raafay, lagana yaabo in uu jeelasha Djabuuti ku jiro.

Jeelashii ayay Sukhra iyo Aabbeheed ka soo baadheen, balse, way ka soo hadh galeen, waana la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Inkasta oo Balayax, laga soo walag dhigay haddana Sukhra uma ahaan, oo samir iyo quus daayoo, markii ay ogaatay in la raafay isaga oo ku soo socda ayaa xanuunkii jacaylku ku soo labo kacleeyay oo ay qalbiga ka sii ruxantay.