Waxaa nidhi, isku hallaynta cid kale la isku halleeyo waa wax qalaad oo dibadda inagaga imaaday. Haddaba sidee la inoo soo galiyay? Markii gumaysigu yimid dhulkeena, wuxuu degay meelo ku yaal magaalooyinka dhexdooda iyo dibaddoodaba.
Gumaysigu wuxuu soo shiriyay dadkii degganaa meelahaas iyo kuwii ka ag dhawaa. Wuxuu siiyay wax uu ku magacaabay “Haddiyado iyo kaalmo”; Carruurtiina wuxuu u daadiyay nacnac iyo macmacaano kale. Mudda yar ka dib wuxuu aasaasay dad mushaar qaata oo magaalooyinka iska dhax jooga shaqana aan qabanayn: oo iskugu jira, duqay, waardiyayaal, afmiishaarro sidaa mushaar ku qaata iwm.
Carruurtii waxay billaabeen inay yidhaahdaan: “Sinyoorow Baqshiish”, odayaashiina “Saab”. Qofkii caddaan ah oo la arko sidaas ayaa loogu yeedhi jiray inta badan. Gumaysigu ujooddo barbaarin ah ayuu ka lahaa arrintaasi, waxay ahayd in uu ku abuuro dadka caqligooda iyo caafimaadkoodaba la waynaanta gumaysiga. Barbaarinta noocaas ah waxaa looga jeeday inay ku abuuranto dadwaynaha:
1. Hoosaynta liidnimo iyo gumaysiga oo loo arko wax wayn oo wax kasta heli kara, dadkuna isu arkaan wax hooseeya oo aan wax qaban karin
2. Ra’yi xun oo dib u socod ah iyo afmiishaarnimo, ra’yigaas wuxuu ahaa in dadka reer magaalka ahi ismoodaan, loona maleeyo dad aan shaqayn, nolasha reer magaalnimadana loo maleeyo in ay tahay shaqo la’aan ra’yigaas wuxuu ku badanyahay haweenka.
3. Fikrad ah isku hallayn iyo waayo sugid
4. Shaxaad iyo isku tashi la’aan
Arrimahaas waxay u soo gudbeen oo kala dhaxlay dadkii Soomaaliyeed ee maamulayay dadladihii kala dambeeyay ee kacaanka ka horreeyay. Shaaxdkiii iyo isku tashi la’aantii iyo isku hallayntii dadka kale ayaa sii ballaadhatay, waxayna noqotay mid dadyawga dunidu inagu xantaan. Magac xumo lawada xasuusan yahay ayay inoo noqotay isku hallaynta kaalmada shisheeye.
Barbaarinta noocaas ah raad wayn ayay ku yeelatay madaxdii talada dadka soomaaliyeed soo haysay, waxayna noqotay in aan ku noolaano kaalmo shisheeye oo markii la helana la sii kala xado.
Halkaas waxaad ka garan kartaa sida magaceena ay u dileen afmiinshaarradii caalamiga ahaa eee waddankeena u talin jiray xilliyadii gumaysiga.