Gabadhii Sukhra ee caafimaadka daaradda ku laydhsan jirtay, firfircoonideedana laga yaabi jiray, waxa ay gaadhay heer ay xitaa jiifka iska rogi waydo, oo ay sariirteeda oo kaliya uun dul taallo, wakhtigeeda inta ugu badanna ay Sawirkii Balayax uun ka dul oydo, waxaase Sukhra murugada iyo dhibaatada soo food saartay, ee jiif iyo joogba u diidday la qaybsaday, waalidkeedii oo iyada aad u jeclaa, in uu saxar soo gaadhana aan la jeclaan jirin.
Sukhra, waxay yididiilo iyo nefis ka dhigan jirtay in loogu sheekeeyo Balayax waa la helayaa, balse markii muddo laga soo wareegay, sidiina ay dhaami wayday, ayaa fasixii jaamacadduna ku dhammaaday, dabadeedna waxaa lagu qanciyay inay jaamacaddeeda iska qabato, maaddaama uu fasixii ku dhammaaday, iyada oo dhinaca kalena loo ballan qaaday, in Balayax la sii baadi goobi doono.
Kadibna waxay qabatay Jaamacaddii. Hase yeeshee, markii ay magaaladi Baariis tagtay, ayaa intii aysan Jaamacaddii iska xaadirinin, waxay ku horraysay dhakhtarkeedii ay la xidhiidhi jirtay markay xanuun iska yara dareento.
Dakhtarkii wuxuu Sukhra waydiiyay, xanuunka ay ka cabanayso iyo sida loo hayo, ka dibna waxay ku jawaabtay; “Hurda la’aan, dhafar badan, feker badan, daal badan iyo culays nafsaani ah”. Dhakhtarkii ayaa haddana waydiiyay; “Sukhra ma jiraa wax kaa maqan oo aad ka walwalaysid, tan kale waa maxay waxa kuugu badan ee aad ka fikiraytaa?”.
Sukhra waxay ku jawaabtay; “Haa waxaa jiraa, wax iga maqani, waxa ugu badan ee aan ka fikiraayi waxaa weeye wiil la yidhaahdo Balayax oo aan waayay”.
Dkakhtarki ayaa isaga oo maskaxdeeda dajinaya ku celiyay; “Mar haddii ay sidaa tahay, waxba ma qabtid, oo waad fiican tahay, balse waxaad ogaataa in fekerka badani, naftaada waxba taraynin, wax uu yeelo mooyaane, sidaa darteed, waxaa habboon in aad is kala dagaallanto mashquulka badan.”
Dhakhtarkii Sukhra uma uusan qorin wax daawo ah, balse wuxuu kiniin uga dhigay waxoogaa talo ah, isaga oo yidhi; “Caafimaadkaadu wuxuu ku xidhan yahay adiga oo dadka la sheekaysta, oo la qosla, filimada daawashadoodana badiya, waxaa kale oo aan aad kuugula talinayaa in aad nin kale guursato ama la sheekaysato xitaa adiga oo aan jeclayn, maaddaama ninkii aad jeclayd aad Jabuuti ka soo wayday, Baariisna aadan ka helaynin isagii, iyada oo loo baahan yahay in aad xasuustiisa ka meermeerto, si aanu caafimaadkaada waxyeelo ugu gaysan, waxbarashadaadana aad u dhamaysato. Marka sidaa yeel, bil kastana hal mar ii kaalay”. sidaas ayuu dhakhtarku kula taliyay.
Sukhra Jaamacaddii ayay iska xaadirisay, talooyinkii dhakhtarkana way isku qancisay, marka laga reebo qodobka ah, nin kale guurso ama la sheekayso. Sukhra talooyinkii dhakhtarka markay ku dhaqantay, waxoogaa is baddal ah ayay dareentay, waxaana u suurtagashay, in ay waxbarashadeedii sii wadato, laakiin jacaylkii iyo rabitaankii Balayax, nafteeda ku beeray marna kama bixin xasuusteeda.