Sanaddo badan ayaa culimada sayniska daraasaad ka sameeyeen qaababka ay u dhacaan quwadaha dhulka hoostiisa ka soo unkama, waxaana ay si fiican u fahmeen waa la yiraahdo “Quwadaha dabiiciga ah”. Waxaa la ogyahay sidii ay u samaysmeen qaababka dhulka, waxaana ay la socdaan quwadaha dabiiciga ah ee dunida ka jiraan maanta. Quwadahaasi waxaa ay noqon karaan kuwo burbur keena.
B. Qarax buureedka
Quwadaha ka jira dhulka hoostiisa ayaa mararka qaarkood dhulka dildillaac ka sameeya. Meelahaasi dillaacay waxaa ka soo booda dareere kulul oo cas, ee dhagxaanta dhulka hoostiisa, kuwaasi oo quwad lixaad leh kor ugu soo booda. Ka dibna, dareere kulul ayaa ka soo baxa dhulka hoostiisa. Marka dareeruhu qaboobo, waxaa ka samaysma kuuskuus buur foolkaano ah. Dhagxaanta dareeraha ah ee dhulka hoostiisa ka soo baxa, waxaa la yidhaahdaa ‘Laafa’. Buuraha foolkaanaha ah si fudud ayaa loo aqoonsadaa. Carrada ka samaysanta dhulka foolkaanuhu ka dhacay, waa dhul carra-san ah oo ku habboon wax beerashada. Dad badan ayaa wax ka beerta agagaarka dhulka u dhaw buuraha qarxay ee foolkaanaha. Laakiin waxaa dhibaato ah buurta oo mar labaad qaraxda, oo ay ka soo burqadaan dhagxaan dhareere noqday oo ku soo rogmada beeraha iyo guryaha. Marka dhibaatadaasi dhacdo dadku waa ay ka cararaan buurta qaraxday illaa ay ka joogsato