curiye: SICIID MAXAMED FAARAX GUUDCADE
Dabuub gabayba waataan beryahan, daayay curinteede
Waataan inaan daabiciyo, diiday hadalkeede
Caawaan dayaanshee maqlaay, gabaygan doonyaysan.
Digniin iyo dawaa wada socdee, daaja dhegihiina
Anna doorkan waan dhaarsanee, fura dubaaqiina
Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Ilaah derejo sii Ina Suldaan, baa ku daakiraye
Gaarriyaa ka daba geeyayoo, dooxay magaceede
Deeellayda waa kii ku yidhi, “Dibu dhac weeyaane”
Aniguna middaasaan dersoo, waan daliishadaye
Walaw daallinkii soo fadhiyo, kii u duda maanta
Kii dirir ku heenseeya iyo, kii dayaafadinba
Miday darajo siisaa ma jiro, daa’in adibkiiye
Maxaa bahasha loo daba-socdaa, yaabtay dunidiiye?.
Dakanooyinkeeda ka badan, dixiyo maajeene
Dibindaabyaday gaysataa, loo damqanayaaye
Dakharada intay nagu dhigtay, daabka noo celisay
Oo weliba ay nagu dishooy, nagu dinaahyaysay
Ayay weliba qaar daba socdaan, doorkan maanta ahe
Intay duul agoomaysayeen, cidi daryeelaynin
Iyaguba dareemada ka badan, doogga soo baxaye
Danyar iyo intii lahataybaan, loo kitaab deyine
Daaraa wixii dumayaybaan, cidi danaynaynee
Madfacii dayaamaayayee, dhegaha deedaafay
Deegaan rogmadaybay dhashaa, dulin qabyaaleede
Dalkii waxa galaaftaan arkaa, duul siyaasiyehe
Bahashii dirays loo samee, duub cad iyo koodhe
Dadkuna waxay u haystaan inay, daacad wada yiine
Balse waxay u badan yiin dajaal, uunkan loo diraye
Haddii aad daleemada ogtahay, cudurka doogtiise
Dawadiisa waad raadisaa, kuna dedaashaaye .
Taariikh da’waynbaan hadeer, kuu dul marayaaye
Iyaduba dabiibay u noqon, daawo iyo khayre
Duleedada madiinay ahayd, dirirtu goortaase
KHAZRAJIGU markuu duulayee, AWS-ka dabargooyay
Boqol sano markay dirir wadeen,doogi kala gaadhay
Markii uu daliilkii akhriyay, DAAHA nebigeennu(NNKH)
Uu yidhi war hooy waa dulliye, daaya hadalkeeda
Waa kuwii dantoodii qabsadey, dibu jalleeceene
Ee duul walaala ah noqdee, diinta wada faafshay.
Si kastoo wax loo duur xuloo, loo daldalo heeso
Ama hoballo loo soo dabroo, loo durbaan tumaba
Ama odayo duub wayn la dhaho, hadallo deeqsiiya
Waxaan diinta laga soo akhriyin, waa dalool madhane.
Dabar goyn haddii lagu wadaba, dulin qabyaaleedka
Daliilkeenu waa inu noqdaa, diinta dhinaceeda.