Q-28aad Shandaranley

Balayax markii lagu riday god ku yaal xerada Hangasha oo uu ha l habeen ku jiray ayaa maalintii dambe wax la waydiiyay, waxaana laga waraystay Jabhadda SNM iyo xilligii uu ku biiray, ka dibna markii su’aashaa la waydiiyay wuxuu ku jawaabay, “anigu waligay maan arag meel ay SNM joogto, kamana mid noqon.”

Haddana waxaa la waydiiyay; “maxaad ka shaqayn jirtay?”, dabadeedna wuxuu ku yidhi; “Jabuuti ayaan duruucda iyo dharka Huudhayda ah, ku iibin jiray.” Hase yeeshee, Balayax wax kasta oo uu ku andacoodaba lagama aqbalin, waxaana makhraati looga dhigay, warqaddii been abuurka ahayd, ee Jabuuti laga soo raaciyay, markii loo soo qaadayay xagga Soomaaliya.

Balayax waxaa meel ku la xidhnaa dad kale, oo aan xitaa warqad been abuur ah lagu soo darin, balse u qoolan oo kaliya shaki looga qabo SNM, markhaatina looga dhigay in ay mucaarad u egyihiin oo kaliya.

Xilligaas wuxuu ahaa xilli ay SNM iyo Itoobiyaankay wadatay iyo Militirigi Siyaad barre ee macangaga ahaa dagaalka culus ka dhexeeyay. Dawladdii Taliskii Siyaad barre, xaalkiisu wuxuu noqday, “Nin lagu seexdaw ha seexan, soo jeedoo waligaa digtoonow”. Sidaa awgeed, wuxuu samaystay, hay’ado iyo kooxo gaar u tababaran, oo leh hal shaqo oo isku mid ah dhammaantood.

Hay’adahaas waxay fasax iyo awood aan xad lahayn u haysteen inay fara kulul ku qabtaan dadka ay ku tuhmaan in ay Itoobiya calaaqaad la leeyihiin ama ay gacan siinayaan. Intaa ka dib waxay fasax u haysteen in dadkaas ay dhaqan celin iyo wacyigalin joogta ah u huraan, takrifalkana ka ilaaliyaan.

Balayax wuxuu qori ka dhacay, askartii jeelka, ka kadibna wuxuu ku biiray, mid ka mid ah Jabhadihii qabaa’ilka ee la dagaalamayay dawladdii taliskii Ina Siyaad barre. Balayax oo ciil badan ku soo mutay xabsiyadii uu soo maray, ayaa isaga oo ka faa’idaysanaya tababarkii uu soo qaatay, kaalin wayn ka cayaaray jabhadihii Soomaalida baabi;’nayay, iyaga oo kaashanaya cadaawihii Mangiste.

Balayax wuxuu ka dagaallamay meelo badan iyo magaalooyin nabad iyo hormar ka socdo oo Soomaaliyeed, waxaase ku kallitfay danta, sababtoo ah, waxaa ku qasbay taliskii xumaa ee melitariga ahaa ee xilligaa jiray.

Millitirigi naxariista darnaa ee xilligaa jiray iyo Jabhadihii ka sii xumaa ee shacabku ku dhex baa’abay, Balayax wuxuu dhankiisa ka afuufayay qoriga Badhi-daloolka ah ee Silsiladda jiita lahaa. Inta uu dagaalki Jabhaduhu Socday, Balayax wuxuu joogay goobaha afdhiigada ah ee ugu xun ee dagaalka. Markii hardankii labadii ciidan ee kala darnaa ay shacabki dhaxdooda ku hoobteen, ee Jabhaddii SNM dib looga saaray magaalooyinkii, Balayax wuxuu ka mid noqday, Ciidamo waddooyinka kooya oo ku sugnaa waqooyinga Hargaysa.