Gabayga:- “ALHUUMO”

CURIYE:- Cumar Cali Cabdi
Alhuumada qabyaalidi dhashiyo, aramiday reebto
Albaabkeeda laga soo galiyo, aqalka ay jiifto
Abtirsiinyadeediyo halkey, ku intihoonayso
Aqrabiyo ciddii ay yihiin, oolin wada yaalla
Aafiyo dhibtay leedihiyo, oonka iyo dhiifta
Ama ay Anfaco leedahoo, oona laga dheefo
Abaalkeeda Soomaaliyeey, taas adaa helay.
Astaanteeda iyo baynu nahay, ila xidhkeediiye
Ardaageeda iyo baynu nahay, edeg-yadeediiye
Afsaar iyo miscirir baan u nahay, oodda xeradeed.
Abkeeduna midkaan mudan bidniyo, Waa aftahankiiye
Adoogeedna waa ministarada, Lagu ag meeraaye
Agaasimuhu waa macal-hayaha, Eebadow sida,e
Aqoon yahanku waa macalinkii, Uumiyaa baraye
Aw iyo mid odey sheegta, iyo aadun kaa badane
Afmiinshaarku waa kii unkee, soo abaabula,e
Agnaan iyo aqoon mid aan lahayn, baw adeege ahe
Asalkeedna Soomaali baa, loo ogyahay taase.

Aduunyaduna waa nagu ogtoo, nagu ishaartaaye
Europiyo qarbigu waa kuwaas, arwta soo raraye
Afaafkii badaa waxa la dhigay, aalad xoog badane
Afrikaan amxaariyo la keen, AMIS ku sheegiiye
Asaageenna weeyaan kuwaa, nagu adeegtaane
Hadaynaan is wada oofo jarin, naguma aadeene
Abidkood dar eedaadayoo, ooyayaan nahaye
Arladiina waataa ilmadu, aaw ka leedahaye.
Al-shabaab dar loo bixiyey baa, la isticmaalaaye
Abris(2) iyo abguri(3) bay noqdeen, cadow ushiisiiye
Ashahaada ruux qirayabaa, la arjumaayaaye
Arxan la’idu waa waxa na badey, uur-ku-taallade.
Aafada qabyaaladi waxay, eebo nagu hayso
Adhi weere(4) helay baan, sidii kala ordaynaaye
Mid waliba wuxuu eegayaa, ooda kaw xiga’e
Aaniyo waxay wada qabtaa, uur xun iyo ciile
Eexiyo waxay weheshataa, olalka naareede
Awood ruuxa beelaan xaqii, laga ajoonayne
Agoon iyo miskiin baa qabiil, lagu asteeyaye
Anshaxii islaamnimona lahayd, layska aabudhaye
Ifka seegtay aakhirana waa, tii allow maqane
Anfariirka waataa qurbaa, lagu ordayaaye.
Waataa badduun aamineen, aarankii kacaye
Organ-kiyo(5) waxaa laga gurtaa, hilibka oofaaye
Irbad laguma suuxshee, birbaa laga aroorshaaye
Saxaraa dar oon ugu madhoo, aad ah baa badane
Arag xumada waxaa noogu wacan, waa ibtiladaase
Suugaan orteediyo haddii, arar la dhuuxaayo
Abwaanadii murtida loo ogaa, dhaaxo soo ule’e
Arbii timacadiyo baan ognahay, ereyadiisiiye
Bal ogow abuur baa ka adag, waano aadama,e.
1. Alhuumo= Aafo
2. Abris/ Abees/ Abguri:- halaq
3. Weere= Waraabaha nooc kamida
4. Organ= ?
Omar.a.abdi@gmail.com
Stavanger, NORWAY…