Q-28aad shandaranley

Sukhra markay dhagaysato Allaha u raxmee heesaha maxamed mooge, gaar ahaan heestii uu Balayax u qaadi jiray habeenkii ay kulmeen,
“Tolla’ay reer Hargaysow,
Dhankaad iga xigtaan bay
Dhaxantu iga haysaa” Markaas ayay kalgacal aan qiyaas lahayn la dheelliman jirtay, maxaayeelay waxay uun xasuusan jirtay, habeenkii uu Balayax kursigii maqsinkeeda yaallay ku fadhiyay ee uu heestan sida quruxda badan ugu luuqeeyay.

Gabadhii Sukhra, waxay maalintii dambe shaqo ka heshay hay’ad Faransiis ah oo Jabuuti deganayd, xafiisna ku lahayd magaalada Dirri dhabe, Waxayna hay’addaasi ahayd hay’ad samafal ah oo ka shaqaysa caawimaadda dadka qaxootiyada ah, ee kala duwan, oo ka soo barakacay Jabhadihii iyo taliskii militarigii xilligaa Soomaaliya ka jiray.

Sukhra waxay shaqadeedu u badnayd socdaallo dhulka ah, oo ayhay’addu hawlo kaga qaban jiray meelo meelo ka mid ah geeska Afrika. Jabhadihii waddanka Soomaaliya ka jiray, gaar ahaan Waqooyiga, ee uu Balayax ka mid ah ahaa, waxay fadhiisimo ka dhigteen meelo ku gadaaman magalada Hargaysa, waxayna jabhaddaasi Caadaysatay in ay Jid-gooyo u dhigtaan waddooyinka hareeraha ka soo gala magaalada Hargaysa.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayay Hay’adda Faransiiska ahayd ee ay Sukhra u shaqayn jirtay hawl sahamin ah ku samaysay goobo ku yaal waqooyiga Hargaysa, oo la sheegay inay dad qaaxooti ah ku sugan yihiin. Sukhra iyo seddex hawl-wadeen oo caddaan ahaa, oo uu weheliyo nin darawal ah oo soomaaliyeed, ayaa iyaga oo wata baabuur land cruiser ah, socod ku soo maray meel ka mid ah gobalka waqooyi ee nawaaxiga Hargaysa. Kaddibna horin ka tirsan Jabhadii SNM ayaa jid-gooyo u dhigtay, oo qabtay baabuurkii hay’adda Faransiiska ah, oo ay saaran yihiin shan qof oo ay Sukhra ka mid tahay.

Jabhaddii intay baabuurkii ka qaateen ayay shaqaalihiina ku xabbistay xero ay Jabhaddu lahayd, oo ku taal kayn dhaxdeed.

Qoladii gaalada caddaanka ahayd aad ayay u naxeen, laakiin Sukhra iyadu caadi bay iska ahayd, oo dareen cabsiyeedna ma galin, waxayna mashquul ku hayd doondoonista Balayax, oo aad moodayso in meelahan loogu sheegay, waxayna aad ugu fiirsanaysay wajiyada nimanka Jabhadda ah, waxaana marba ku soo baxayay qaar suuradoodu u egtahay Balayax, oo ay hoosta ka leedahay “Alla kaas Balayax u ekaa”.

Qoladii hay’adda markii la jeenay xeradii jabhadda waxaa maxaabiis ahaan loo fadhiisiyay geed hoostii waxaana loo sameeyay rag waardiyeeya. Balayax wuxuu ka mid ahaa qolada Jabhadda ah ee markaa joogta xerada qolada hay’adda ah la keenay, ka dibna wuxuu qoladii Jabhadda ahayd ee qolada hay’adda ah soo qabatay ku canaantay soo qabashada soo qabteen hawladeenada hay’adda.

Ka dib gabadhii Sukhra waxay markiiba heshay, oo ay xaqiiqsatay Balayax, oo Jabhad ah, wayna ku oyday oo tab laga dhaho ayaa la garan waayay, qoladii faransiiska ahayd ee ay isla hawlgalayeen iyo gaadhigoodii ayaa la soo fasaxay, balse Sukhra way diidday inay ka dhaqaaqdo xeradaas illaa ay wadato Balayax, sidi bayna kaga hadhay caddaanki oo soo aaday dhanka Harta-sheekha. xubnihii jabhadda waxay ka dhaadhicisay in ay heshay jacaylkeedii ay sanaddadan oo dhan u rafaadaysay, waxayna ka codsatay in lagu garab galo rumaynta rajadeeda mustaqbal iyo helitaanka jacaylkeeda oo u xor ah. Ka dib markay uga sheekaysay taariikhdi jacaylkooda iyo rafaadkii iyada u gaarka ahaa ee ay soo martay, waxaa u soo dabcay Jabhaddii oo tixgalisay gabadha codsigeeda, waxaana Balayax loo soo jeediyay in uu gabadha raaco oo uu aqbalo codsigeeda, guurkana oggolaado.

Balayax baa yidhi: “Oo Sabab”