Waa maxay bulsho?

 

Bulsho waa dad hayb wadaaga, isla markaana gaar u leh dhaqan iyo wax walba oo bulsho xidhiidhiya, sida luuqadda, diinta, xeerka, caadada iwm.

Midaynta umadda Soomaaliyeed

Midnimada umadda Soomaaliyeed:

Umadda Soomaaliyeed waxay ka mid tahay umadaha Eebbe u dhammeeyay tilmaamaha midnimada. Soomaalida waxaa u dhan tiirarka umadnimada oo idil. Tiirarka umad isku keena oo mid ka dhiga waxaa ugu waawayn:-

–Afka,
–Diinta,
–Wada dhalashada,
–Shucuurta,
–Taariikhda,
–Dhaqanka iyo hiddaha
–Sawraca iyo
–Yididdiilada

Dadka Soomaaliyeed meel kastaba ha joogaane way wada wadaagaan dhammaan tiirarkaas aan soo sheegnay ee umadaha mideeya. Meel kasta oo aad tagtid dalka Soomaalida, laga billaabo raas-xaafuun illaa Hawaas, Siyeellow illaa qooriga Tajoorra, ma arkaysid wax ay ku kala duwan yihiin dadka Soomaaliyeed; waa isku Af, waa isku Diin, waa isku Hiddiyo dhaqan, waa isku Taariikh soo taxnaa kumannaan sano.

Midnimada caynkaas ah, waxay Soomaalida u soo jiidday faa’idooyin badan iyo sidoo kale dhib badan.

Faa’idooyinka midnimada Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-

1. Shucuurta, dareenka iyo danqashada oo isku si u saamaynaysa, laabtoodana kicinaysa, kolkii gurmad loogu yeedho oo uu cadaw soo weeraro meel ka mid ah dalka soomaaliwayn. Taas waxay keentay in ay umadda soomaaliyeed isku meel ka soo jeedsadaan marka la soo faragaliyo, oo ay cadawga iska dhiciyaan. Taas waxaa daliil u ah:
Samir iyo kani adayg

Bulshooyinka caalamka isku mid ma aha, isku sina uma ilaashadaan waxyaabaha ka dhexeeya. Qaar si fudud ayaa lagaga baddali karaa dhaqankooda, qaarna waligood lama baddali karo. Tusaale haddaan u soo qaadano Soomaalida qarniyo badan ayay dawlado kala duwan isku dayeen in la baddalo, balse way suurtagali wayday, taasina waxaa sababtay Soomaalidu waa dad kalsooni isku qaba, waa dad hammi sare leh, oo xitaa gumaystaha ka heersarreeya, waana sababta ay cirka u doorteen in ay calan ka dhigtaan, hammigooda sare dartii.

Kalsooni-darro

Kalsooni-darro ma jirtaa soomaali dhexdeeda?

Haa way jirtaa, laakiinse mid aan ennagu sababnay maaha, ee waa mid uu gumaystuhu ina kala dhaxdhigay.