Gabayga:- QAWAACIDUL-ISLAAM

CURIYE:-Deeq Cabdilaahi Diiriye
Muddo waan ka qaday qaafka gabay, inaan quweeyaaye
Ma qulqulinin maansooyinkii, qarada waynaaye
Hayeeshee qumbulad waan ridaa, maalintii qarane
Balqabsada haddaan soo qaddimi, qaabka maansada’e.
Qarantagay quruumaha hooyday ee qabriga aaday
Qoomka cayku waaqaawanee, qaadhka gurijiifa
Aduunyadani waa qaabka haro, sida qiyaaseede
Se waxaan u qiiilhayn durduur, lagu qaboobaaye
Mar qudhaadka qaadaa wixii, Eebbe kuu qoraye
Qorshe weeye qoondaysanoo, qaadir baadhigaye…
Afartaa qacdiimaanso, iyo qubane heedii dheh
Afar kalana waa qolo kufaan, iyo qabiiljaanka.
Soomaalidan “qab-yaal” bay waddaa, tan iyo qaabiile
Caqli qolofa bay leeyihiin, oo qiraal darane
Qafil baa ku xidhan qoomkayagan, waano qiriwaaye
Qarnigii la jabinlaa ayaa, soo qandoodsadaye
Bal qushuuca oo qoriga dhiga, waa qisiyo yaabe.
Qabyaaladi dadkeennii cuntoo, way quldhubatayne
Qubuuraha ayay galisayoo, ay u wadaqaadday
Geesi qalable, waayeel qumane, wiilka qalinqaatay
Wadaad qawl leh, hooyooyin quban, maxasta qaaqlaysa
Muxuu qoriga maadhiinyaruu, qoorta sare gooyay
Qandoodilanta geeddaa muxuu, maydku qolofoobay.

Maxay qoodaftiyo habar dugaag, qaybba garab jiitay
Qoomamooyin iyo ciil maxaa, hooyo qirinqiirtay
Qaxar laawihii ay dhashaa, maanta qawracaye
Odaygii qabaa meelku qalan, oo qabri u yaalle
Diirkiyo jidhkaygaa qandhada, waan qadhqadhayaaye
Hurdadiina waan ka baqadoo, waan ka qaayibaye
Qiimihii dalkeenniyo dhulkii, quruxda weynaaba
Qarankii quwaystee lahaa, qawlka laga maago
Qarankii sidii qoodha awr, qoorta lalinaayay
Qarankii qitaaliyo dagaal, quwadku faanaayay
Qarankii amxaarada qushaash, qixiyay fiidcawlka
Saw wixii qarribay may ahayn, diinta laga qoonmay?
Sow mid waliba qoortaa ma goyn, kaan la qolosheegan ?
Saw qabyaalad awgeed umuu, qiiqin qarankeeni?
Qasnadeenna saw may u dhicin, qolosanwaawayni ?
Nimankii qombabayee lahaa, tafo qudhaanjeedka
Qaaxo laysay soo kuwa baruur, qaadi kari waayay
Qaaraddaa dadkeeniina saw, uma qadhaab doonan?
Saw qaxoonti may noqon dadkii, quudhsi ma asiibin?
Qaxarkay ku noolyiin badhkeen, saw qarracan maaha?
Qayrkay waxaan uga hadhee, qoonta igu beeray
Waa qabyaaladdaa lala mid dhigay, diinta qaradeeda.
Qulqul dhiiga mooyee wallee, qurux ka dheertaase
Qudhbaxaysa weeyoo wallee, ruux dhan bay qalane
Habqan iyo qax weeyaan wallee, qadafna kuu dheere
Hadaad qabato aakhirana waa, naarta qiiqa lehe
Qadarkaa halkaasaan ku xidhay, qodobadeediiye
Quful jabiskii baan raaciniyo, qawl muceed dhaba’e
Shaydaanku waa qaxar jiree, qawlka ku cadaaba
Ku akhriya acuudiyo qulxiya, qulhuwallaa raacsha
Qalamiyo ilaa qaaf akhriya, wada quraankoo dhan
Quutulruuxa weeyaan qalbiga, lagu quweeyaaye
Salaadana bal qabanqaabiyoo, yay qallana gaadhin
Sakadana u qaybiya dadkii, qawlka lagu sheegay
Bisha soon afkaagaa qufulo, qalad ha raacsiinin
Ku qulqula xajkana oo qasdiya, waa rug qayr badane
Qawaacidul Islaamkoo dhan iyo, khayrka wada qaata!!