Markay taariikhdu ahayd 1913-kii ayey Daraawiishi ku duushay Ingiriis iyo cawaankiis iyo kuwii miirida u ahaa. Weerar lixaadleh ayey ku ballaariyeen degmo
ku tiil Burco iyo agagaarkeeda. Maal waxay lahaayeenna gacantay ku dhigeen. Nimankii xoolahaa la dhacay lahaa iyo Ingiriis oo isa soo biirsaday ayaa raacdo u soo birmaday. Gaal la oron jiray Richard Corfield, oo ka mid ahaa madaxdii ciidamada Ingiriiska dalka Soomaaliya u fadhiday, madaxna ka ahaa rukuubleyda Ingiriis (Camel Corps), ciidankiisii iyo raggii xoolaha laga dhacay ayaa raacdo u soo gurmaday. Xoolihii oo galabtii “Beer” meel la yiraahdo maraya bay garab mareen oo waxay u fariisteen buurta “Dulmadoobe” salkeeda. Waagu hadduu dillaacay ayaa Daraawiishi xoolihii oo duuban caasha u soo saareen iyagoo aan caad iska saarayn. Markay kaabiga u jireen meeshii colka gaaladu joogey ayay xoolihii hojiyeen, dagaalna ugu hub qaadeen. Dhawr tacshiiradood haddii lays dhaafsaday Corfield, oo colka gaalada madax u ahaa baa la dilay, raggiisiina waa la jebiyey. Madaxii Koofil iyo Gacantiisii midig baa Taleex la keenay si loo rumaysto geerida gaalka. Waxaa la yaab leh nin la oran jirey Ina-Weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa Koofil xoolo ka dhacay, dadkiisiina si xun ayuu u galay dagaalkaas ka hor. Dabadeedna ninkaasi wuxuu tirshay gabay kuhaan ah oo uu Koofil ku habaarayo. Waxaa gabaygiisii ka mid ahaa:
-Sayidkoo wax galay raacdadoo, la isku soo gaadhay
-Adiga iyo qubniga aad waddaa, gobootaal noqo’e
-Ciirligaanku ka joogsay oo, guuxa kaa damiye
-Ku googooste nimankii kufriga, gaajaduu qabaye
-Afkuna gow ku yiri xaajadaad, gees u badisaaye
-Guga ha gaadhin adigaa tolkay, gaajadaas badaye.
Dabadeedna siduu ninkaasi Koofil u habaaray baa loo dilay.
Xigasho/ diiwaanka gabayada Sayidka