Q-29aad shandaranley

Wax la wadaba Balayax aakhirkii wuu oggolaaday inuu Sukhra raaco. Ka dibna goor gabal dhac ah ayaa xeradii laga soo baqoolay, iyada oo habeennimadii guuro-gal lagu dhaafay arladii khtarta ahayd, ee ay labada col iska ugaadhsan jireen. ka dibna subaxnimadii ayay tageen Harta-sheekha, iyaga oo nabad qaba, Balayax iyo Sukhra iyo baabuurkii sidayba. Waxaana Sukhra loo geeyay qoladii gaalada ahayd, waxayna qoladii jabhaddu u sheegeen hay’addii gaalada in Sukhra loo soo fasaxay wiilkii ay jeclayd oo uu kan yahay, “inta balayax gaaladii la hor geeyay”.

Qoladii gaalada ahayd intay aad u farxeen ayay u mahad celiyeen saraakiishii snm.

Hase yeeshee, waxaa dhacday inuu Balayax yidhi: “Sukhra, mar haddii aan gaaladii kuu keenay, adiga oo nabad qaba, anigu waxaan ku noqonayaa furintii ee hawshaadi, adna iska wado oo markii dunidu si uun noqoto ha inoo ahaato.”

Sukhra markii ay hadalkaa maqashay ayay naxdin awgeed muraayaddu jabtay, oo ay muraara-dillaacday. Gabadh caddaan ah oo madax ka ahayd xafiiska hay’adda ay Sukhra la shaqayso ayaa Balayax, aad uga codsatay inuu doonista Sukhra tix-galiyo, oo uu nafteeda badbaadiyo. Balayaxna wuu aqbalay.

Markii la yaqiinsaday halka uu Sukhra  xaal ka taagan yahay ayay arrini noqotay sidii la iskugu dhisi lahaa ee guurkooda loo bud dhigi lahaa. Sidaa awgeed, isla ayaamihiiba, Balayax iyo Sukhra waxaa meherkoodu ka dhacay magaalada Dirri dhabe, waxaana meherkooda loo sameeyay xaflad aanay ka soo qayb galin dad aad u badan oo ka dhacday hoteel.

Maalmo toddobaad ka yar, ayaa haddana aqal galkoodu ka dhacay isla magaaladii dirri dhabe. Balayax iyo Sukhra, waxay farxad iyo guul ugu fillaa inay dhinaca isa saaraan labadoodu, oo uu midba-midka kale daawado, kuna raaxaysto sheekadiisa, isla markaana uu midba midka kale araggiisa ku il-doogsado.

Habeenkii aqal-galkooda, waxay ahayd habeen farxadeed iyaga ayaa is cajabiyay, iyaga ayaa is daawanayay, iyaga ayaa isku udgoonaa, iyaga ayaa isu bidhaamayay. Sidaa awgeed, macno uma samaynayn, fursad ay ku indho indheeyaana uma aysan hayn dhaldhalaalka iyo alaabooyinka lagu sharxay guriga ay ku aqal-galeen

Labadan qof waxaa loogu gaafay, oo uu arooskoodu ka dhacay guri markii horeba u kiraysnaa Sukhra, oo gudihiisa fakaag badan lahaa, si quruxsana loo qalabeeyay.

Sukhra, si ay fursad wanaagsan ugu hesho baanashada jacaylkeeda, waxay hay’addii ay u shaqayn jirtay ka qaadatay fasax Afar bilood ah. Balayax iyo Sukhra, afartaa bilood mar qudha indhahooda iyo aragoodu daqiiqad ma kala libdhin, jacaylkoodana bar u korodha mooyaane bari kama dhicin.