Qabyaaladda

Dib u dhaca ay keento qabyaaladdu.

Qabyaalad waa nidaam duug ah oo laga ilbaxay, haatana jiritaankeedu ku yar tahay dunida. Waxa taariikhdu ka marag tahay in umad kasta oo ka gilgilata nidaamkaa ay liibaanto, horumarkeeduna maalintaa uun billawdo.

Waxaa jirtay in Soomaalidu waayadii hore aad ugu dhaqmi jirtay nidaamkan qabyaaladda ah, waxayna u kala dhaqnayd nidaam reero reera ah, kuwaas oo aan is oggolayn, had iyo jeerna col taagan uun isku ah. Reer waa dad hal magac oo guud ku wada abtirsada, wuxuuna qabiilku u kala qaybsanaa jilibyo hoose oo iyaguna aan is oggolayn. Jilibku laftiisu wuxuu u sii kala qaybsanaa, baho hoose oo iyaguna xintama. Nidaamka qabyaaladdu, caynkaas ayuu ahaa, asalkiisuna wuxuu ku dhisnaa waxyaaba kala fogaynaya bulshada Soomaaliyeed ee wada dhashay.

Intii aysan Soomaalidu dawlad noqon, dadku wuxuu u badnaa xoolo raacato iyo beeraley. Bulshadu waxay ku dhaqnayd, qabyaalad, sharcina waxaa u ahaa xeer qabiil. Waxaa dhici jirtay, in sida loo kala xoog badan yahay, la isku xukumi jiray, xoolahana loo kala qaadi jiray. Waxaa jirtay in dilka iyo dhacu badnaa, oo nabadgaliyada iyo xasilloonidu aad u yarayd. Qabyaaladdu waxay ahayd halka uu gumaystuhu markasta inooga faa’idaysan jiray, waana nidaamkii uu inagu qabsaday, walina inagu kala fogaynayo.

Gumaystuhu markuu arkay inaan ennagiiba kala qaybsananay, ayuu inagula kacay siyaasad “Qaybi oo Xukun ah”, taas oo si fudud ugu suurtagashay, isaga oo ka faa’idaystay qabiilada qaar, haseyeeshee, waxaan noqonay umad gumaysi neceb, waxaana xilli xilliyada ka mid ahayd, ku midawnay si dirqi ah, oo aan ennagu sababnay, halkaas marna waxaan helnay gobannimo iyo sharaf Soomaalinimo oo caalamka oo dhan uu ka yaabay. Soomaalidu runtii sanaddadi yaraa ee gobanimada, way illaabeen qabyaaladdii oo hal dhinac ayay ka soo wada jeedsadeen, sidaana waxaa ku rumawday inaan wax badan ku guulaysano, markii magaalooyinkii oo xor ah, la soo galay, waa la nafisay, waa la nastay, ka dibna waxaa yaraatay, xamaasaddii midnimada, waxaana dib loogu noqday nidaamkii qabiil qabiilka iyo qabyaaladdii, nasiib-darro, waxaa haddana sharaftii inaga qaadday qabyaaladdi, taas oo aan illaa iyo hadda la daalaa dhacayno. Waxaan wada ogaanay, in dawladnimo iyo qabiilnimo ay yihiin laba isku daran, khasaaradii waydanayd ee inagu dhacday, ee qabiilladu kiciyeena ay u sabab ahayd qabyaalad. Haddana waxay bulshada Soomaaliyeed garwaaqsan tahay, oo waaya arag u tahay in aan qaranimo iyo qabyaalad is qabanaynin. Sababta oo ah, qabyaaladdu waxay lid ku tahay dhammaan fekradaha bulsho horusocod ahi ku dhaqanto.