QABYAALIGA TIRTIRA

  1. Dha’da gabayga dhaxalkii murtida, dhamiba suugaanta
  2. Dhambaaliyo tusaaliyo wax-sheeg, laysku wada dhaabay
  3. Farwaawayn anoo kuugu dhigi, una dhawaaqaaya
  4. Anigoon dhaliilayn hablaha, dhiirigalinaaya
  5. Dhigta aqalka noo haysa ee, dhidibta weeyaane
  6. I dhagayso adigaan da’yarey, kuu dhimrinayaaye
  7. Dhab-ka-hadalka maansadu illeen, dheeman kaba roone
  8. Naf dhamaatay iyo dhool galbeed, dhawrid malahayne
  9. Nin qabyaalad dheef moodayaa, dhoomay weel madhane
  10. 10.Dhiig sokeeye waa dhaxal madaw,  dhagar la eedaaye
  11. 11.Hayb-hayb haddii loo dhambalo, way ku dhacantaaye
  12. 12.Dhag hadday wax gaadhaan tan kale, way dhanqalantaaye
  13. 13.Soomaalaa tusaa laha ka dhigan,  waana shay dhabahe .
  14. 14.Dhalinyaro qabyaaliga tirtira, waa dhaliil sugane
  15. 15.Dhaqdhaqaaqa xooggiyo xubnaha,  waad ku dhererteene
  16. 16.Dhimirkiyo xiskiinniyo qalbiga,  waad ku dhigateene
  17. 17.Dhuuxiyo laftiinnay gashee, dhaqa quluubtiina.
  18. 18.Wax u dhigo ifkoo qudha ma aha,  Aakhiraa dhimane
  19. 19.Hana dhigina buugaagta oo,  dhigo duruustaada
  20. 20.Wakhtigii ku dhaafaa la mida,  dheemankaa lumaye
  21. 21.Dhiil daatay caanaha dambaad,  dhuub ku qabataaye
  22. 22.Dhakadoo la taabtana ma jiro,  xubin la dhaafshaaye
  23. 23.Dhalinyarada soomaaliyeed,  waa laf dhabartiiye
  24. 24.Dhankiinnaa war hooyaan la dhihin, shay dhaleeca ahe
  25. 25.Dhididkiisa ruux maalayana, dharag ku naallaaye
  26. 26.Dhacadiid u seexdaha wahsada, ceebi dhiniciise
  27. 27.Sacabkoo la dhiibtaa xigtee, dhawrta sharaftiinna
  28. 28.Dhaqaaliyo wax-soosaar higsada,  yaan la dheelliyine
  29. 29.Sumcaddana ha dhaawicin milguhu,  dheefka qarawayne.

  30. 30.Intaan waano kuu dhuray anoo,  talada kuu dhiibay
  31. 31.Ha ka dhigan warkaygiyo murtida,  biyo colkuu dhaanshay
  32. 32.Dhalinyaro xilkii naa dhisoo, aad isaga dhawra
  33. 33.Hana noqon dhurwaagii hashiyo,  nirigta dhuun-gooyay