Q-30aad shandaranley

Balayax iyo Sukhra markay sheekaysanayaan ama wada hadlayaan, waxay is dhaafsan jireen weedho macaan oo ay tiraabtoodu malabka ka sii dhadhan macaan tahay. Wuxuu midba midka kale u hibayn jiray, dhagaysi aan qiyaas lahayn iyo dhugmo aan eray qudhi dhaafayn. Waxay isku xulan jireen erayba erayga uu ka debecsan yahay, kana luqmad wanaagsan yahay. Wuxuu midba midka kale ka dheerayn jiray kelmad kasta oo laga uri karo dhadhamo xajiin leh.

Balayax ma lahayn wax balwad ah, Sukhrana waxa balwad u ahaa boholyawga iyo jacaylka Balayax. Sidaa darteed, markay muddo seddex bilood ah guri lahaayeen ayay labadoodaba qalbiga iyo jidhkaba ka dhogor gooyeen, oo sida cadceed subax joogta  u widhwidheen.

Qof kasta oo horay u yaqaanay, markuu arko wuu ka yaabaa, wuxuuna ku murmaa “ma iyagii baa, mise waa kuwo u eg.” balayax iyo Sukhra inkasta oo ay ku soo kala koreen laba bay’adood oo aad u kala duwan, dhaqankooda nolaleedna kala fogaa, haddana arrintaasi maran saamayn kuma yeelan hab dhaqameedkooda nolaleed, mucaamilkooduna haba yaraatee ma yeellan wax surma seegto ah iyo is fahmi waa midna.

Macaamilka nolaleed ee Balayax iyo Sukhra, goldaloollo iyo turxaan kasta oo meesha iman lahayd, waxaa asturaad iyo bili xijaab u noqday ama isku gudbay mahiigaanka jacaylka ee qalbigooda biyo dhigay iyo baarrinimada caqliga weheshanaysa ee labadoodaba Ilaahay u khalqay, taasina waa nasiib-wanaag aanay barbaarta adduunku, badiba calfan.

Sukhra, markuu fasixii ka dhammaaday ayay shaqo tagtay, waxayna ku hawlgashay dareen aad u xasiloon iyo jawi xambaarsan firfircooni saa’id ah. Markii ay Sukhra shaqo tagtay, Balayax laftiisu iskama dhigin nin meel iska fadhiya oo ay gabadhi u soo shaqayso, ee wuxuu noqday nin halganka nolasha dhiniciisa ka soo dhalaala, oo aysan baylihi agtiisa oollin. Balayax, makhaayad shaaha iyo cuntada lagu kariyo oo afar irdood ah, ayuu ka furtay magaalada Dirri dhabe, taasina waxay keentay inuu qofba geestiisa uga dedaalo dhismaha iyo quruxda qoyskooda, waxayna noqdeen qoys qurux badan oo turxaanta iyo qodxaha ka ilaaliya  halgankooda nolaleed iyo hab-dhaqankooda jacaylkooda aqal galay.

Balayax, wuxuu noqday nin meheraddiisa ka soo dhalaala, macaash badanna wuu helay, wuxuu noqday nin macaamiisha iyo dadka wax ka iibsanaya kula dhaqma akhlaaq wanaagsan iyo eray debecsan oo dareenka dadka soo dhaweeya. Isla markaana wuxuu ahaa nin aan shaqadiisa ka hawlgabin oo xilkasnimo ku guta, xarragana ku dhammaysta.

Muddooyinkii dambe ee ay dadkii dagaalada ku baro-kacay iyo dalkii ciidamadii Siyaad Barre , xaaladda qaaxootinimo ku sugnaayeen, waxay Balayax iyo xaaskiisu ku sugnaayeen ayaamo xiiso leh oo ay quruxda nolashu kow u tahay, farxadina agtooda taal, waayo waxay ku qanacsanaayeen guusha guurkooda.

Balayax isaga oo wali magaaladii Dirri dhabe deggan, si wanaagsanna uga ceeshaya, ayay maalintii dambe ugu yimaaddeen qaaxootiyadii ka soo qaxay ciidamadii Siyaad Barre iyo xaasaskoodii. Balayax oo goor galab ah rushaynaya meheradiisa horteeda ayaa isha ku dhuftay gabadh aad u diifaysan, oo shan carruur ah dalaandalinaysa aabbahoodna barbar luudayo.

Dadkaas oo Hargaysa ka soo qaxay waxay soo galeen dukaan dahable ah oo makhaayadda Balayax ku dhaggan. Gabadhu waxay xambaarsan tahay ilmo yar oo aan wali afartan bixin, waxayna doonaysaa in ay dahab laha fargal ka xaraashto oo ay carruurta caano iyo biyo ugu iibiso. Qaar ka mid ah carruurta gaar ahaan kuwa da’da yaryar ayaa macaluul iyo gaajo la ooyaya, waana qoys darxumo badani ka muuqato.