Gabayga:- Ka haraay qabyaaladda!

Curiye:-Maxamed Dhicisow

  1. Halkay qaab ku leedahey murtidu, way ku quruxdaaye
  2. Nin hadduu abwaan qaaliiyo, qaaddi gabay sheegto
  3. Qowmkiisa waa inuu baraa, qaacidaan harine
  4. Taariikhdu waa inay qortaa, sida quraankiiye
  5. Qaamuusta iyo lagu dhigaa, buug qaraamiyahe
  6. Haddii kale qof weeyaan lahayn, eray la qaataaye.
  7. Soomaalaay oraah qodobalaan, idinku qiirayne
  8. Qalqalkiyo dhibaatadu horey, noo qallaafteene
  9. Qalbi saafi iyo wadajir baa, lagu qaboobaaye
  10. Laba qoys haddii laysku daro, qarandhan weeyaane
  11. Qarjaf waxa ka dhigey nabad dawaan, kala qaloonnaaye
  12. Haddii aan mid qura noqon lahayn, amase duul qawl leh
  13. Ciiddeenna baan qodan lahayn, mana qolfoofneene
  14. Qurbahiyo ma aadneen dhulaan, laga qibloonayne
  15. Asaaggeena nama quursadeen, sida quraafaade
  16. Waxaad qooshataa laga helaa, qaradki aasnaane.
  17. Qabya-joogga, dan-u-quusadkiyo, qaranka heehaawga
  18. Qurbahiyo qaxoontiga sidii, qaatil ugu noolka
  19. Is-qiiraynta, qarawaynidiyo, dibu qushuucaynta
  20. Qaaddirow maxey badey dhibtiyo, qaana la humaagga
  21. Qaynuunki abid lagu ogaa, oo qubxiya weeye
  22. Kaharaay qabyaaladi wallee, qiima laga waaye.
  23. Qiil-doonka, qurun-qaadashada, xuma u qaylaynta
  24. Qayrka-ka-cararka, shar-la-qooqa iyo, kala qabboonaanta
  25. Qaansa-leebka, is-qafiifintiyo, qoobabka itaalka
  26. Qorraxaynta, qarxiyaayda iyo, qoorya-xero-beelka
  27. Qaynuunki abid lagu ogaa, oo qubxiya weeye
  28. Kaharaay qabyaaladi wallee, qiima laga waaye.
  29. Qori-doonka, qambaruursigiyo, qolo ku faanfaanka
  30. Qoor-goynta, qaan-gaar la dilo, qayrin-ku-xabaalka
  31. Qoomamaynta, is qiyaalintiyo, sawdka koru qaadka
  32. Qamuunyada xigtiyo, qaab-darrada, qoofal u ahaanta
  33. Qaynuunki abid lagu ogaa, oo qubxiya weeye
  34. Kaharaay qabyaaladi wallee, qiima laga waaye.
  35. Qabqablaynta, quursiga socdiyo, qaadan kariwaaga
  36. Qan-qaniinka, qorrataynta iyo, qodobka boodboodka
  37. Qof la dirirka, qaacida roggiyo, hadal qabiilaynta
  38. Galabtey qallibantana qaskiyo, kala qaraabaynta
  39. Qaynuunki abid lagu ogaa, oo qubxiya weeye
  40. Kaharaay qabyaaladi war-hoy, qiima laga waaye.
  41. Bulsha-qoolka, ummad-qaawintiyo, sharafka qaadqaadka
  42. Qaxootaynta, xera quudintiyo, qamaddi tuug-tuugga
  43. Quwaddaad lahayd waaga’iyo , qayrka-wax i siida
  44. Sinjigii qurxoonaa gab iyo, magac qasaalaynta
  45. Qaynuunki abid lagu ogaa, oo qubxiya weeye
  46. Kaharaay qabyaaladi waatii, qiima laga waaye.
  47. Waxba gabaygu yuu ila qummine, waxan ku soo qooley
  48. Qabyaaladi waxey daba-jartaa, qowm walaalaahe
  49. Kaharaay qiyaastey waxaan, ugu qiraalooday
  50. Qiima ma leh adduunyadu haddaad, qaran jab-joogtaaye
  51. Qaxar bay niyaddu qaadataa, iyo qamuunshow’e
  52. Wixii aad qorshaysana mar bay, Wada qadhaadhaane
  53. Nin qaxootiyoobow ma jiro, qiima kuu haraye
  54. Hayeeshee dad baa qaaddicoo, qaadan Karin saase.
  55. Abwaannada qa’laydaan hor kacey, qayr Alle ha siiyo
  56. Bulshadii qaddarisee qorteyna, qayr Alle ha siiyo
  57. Qalinlayda Soomaaliyeed, qayr Alle ha siiyo
  58. Inta neceb qabyaaladda dhammaan, qayrAlle ha siiyo.