Balayax intuu qoyskii qaxootiga ahaa kexeeyay ayuu gurigiisi geeyay, ka dibna u sameeyay casuumad la yaab leh, isaga oo si xushmad leh u qaabilay.
Balayax, wuxuu is baray xaaskiisii Sukhra iyo qoyskii martida ahaa ee soo qaxay. Isaga oo u sheegay inuu qoyskani yahay qoyskii dilka ka badbaadiyay. Cudbi ninkeedii kornayl Sayruukh, oo ay ka muuqatay xanaftii iyo cabsidii dagaalku ayay waxoogaa niyaddu u yara qabawday. Waxaan maqli jiray, taariikhdu marbay libaax kaa dhigtaa, marna way ku naab-naabtaa, sidaa darteed, waxay ahayd wax lagu cibro qaato, ayaamaha isu baddalay nolasha kornayl Sayruukh iyo sida uu maalintaa ula kulmay wax aanu qorshahaba ku darsan, nin baa laga hayaa (labo kasta isa saarayoo, weli labo tagoogo isma saarin).
Kornayl Sayruukh wuxuu ahaa ninkii qalinka ku duugay ee saxiixay xukunkii dilka ahaa ee Balayax iyo saaxiibadiisii aan iyagu badbaadin. Kornayl Sayruukh, wuxuu ahaa ninkii haddana Balayax ka badbaadiyay dilkii, isaga oo iska aamusiinaya baroorta ooridiisa, kornayl Sayruukh, markuu uu Balayax dilka ka badbaadiyay oohinta Cudbi iskaga joogi mooyee, isma lahayn cid kale ugu xeer dhigo, waayo marna muu filayn, sheekana kuma darsan, waxaad mudan doontaa Balayax. Haddiise maalintaa lagu dari lahaa 22-kii nin, maanta Cudbi iyo ninkeedu may heleen cid wacad ugu noqota Diri-dhabe oo way ku qadi lahaayeen.
Balayax iyo Sukhra way isu taageen qoyskii reer Sayruukh, waxayna u galeen si gobanimo leh, waxay dajiyeen qolal gurigooda ka mid ah, waxay siiyeel la cag waxayna u iibiyeen dhar.
Cudbi iyo ninkeedu waxay sheegeen inay doonayaan Kenya, si ay uga qayb galaan xeryo qaaxooti oo laga qotayo meesha la yidhaahdo xagar-dheer oo dalka kenya ka mid ah, ka dibna Balayax iyo ooridiisii Sukhra, waxay reer Sayruukh u diyaariyeen sahaydii ay ku meel mari lahaayeen, waxayna siiyeen kharash wanaagsan oo ay ku jid maraan. Reer Sayruukh, hal toddobaad bay marti u ahaayeen reer Balayax, dabadeedna maalin siddeedaadii ayay ayay u boqooleen dhinaca kenya, waxaana la saaray gaadhi u socda jiidda xagar-dheere, sidaa ayeyna isku macasalaameeyeen labadii qoys.
Balayax iyo Sukhra, waxay noqdeen qoys ku noolaada nolol xiiso leh, waxay noqdeen qoys jacaylkoodu aanu debec lahayn, waxay caado u lahaayeen in ay had iyo goor dhagaystaan heesaha maxamed mooge iyo maansooyinka maxamed ibraahim (Haraawi) iyo maxamed xaashi (Gaarriye) Sukhra iyo ninkeeda Balayax waxay ku noolaayeen neecow macaan iyo nolol xiiso leh.
Balayax iyo Sukhra waxa iigu war dambaysay iyaga oo sanadkii 1991kii weli deggan magaalada Dirri-dhabe, oo wax u siyaada mooyee aanay nolashoodu hoos u dhicin.
Balayax iyo Sukhra, marna jacayl kama duugoobin, nololna kuma cidhiidhyoomin, balse ogaantay ubad isuma dhalin.
DHammaad