Curiso:- Ciyuuni Geenyo
-
- Suugaan da’weyn iyo malihi, Gabayo duugoobay
- Abwaannimana kuma doodayoo, Darajadaa diiday.
- Balse wuxuu damiirkaygu nacay, Oo qalbigu doonin
- Oo madaxa iga daaliyoo, Diiqad igu beeray
- Dawladnimadi Soomaaliyeed, Inaan dar-jiidhnaaye
- Oo uu qabiil dago halkii, Qaran la doonaayay.
- Inaan kala dibboonoo mid wali, Dagal kasoo jeesto
- In qabyaalad aan door bidnoo, Aan Xaqana duugno
- Duullaan inaan kicinno oo, Deriska aafayno
- 10.Dugsi dhaxanta laga galo inaad, Jabiso deyrkiisa
- 11.Walaalkaa inaad dooxdo oo, Weliba doormoodo
- 12.Oo aad daleel jiifsataa, Weyga degi weydey !!
- 13.Adoo daaqsin wacan haysta oo, Geelu dararaayo
- 14.Oo dahabka ceeriin fadhiyo, Degalladaadoo dhan
- 15.Oo gaas dabiiciya lehoo, Dheeman lagu dayray
- 16.Oo maartu ay debadda taal, Oo dadku ujeedo
- 17.Oo miruhu daateen misana, daadku mulacyeeyay
- 18.Badahoo dilaamiyo adoo, xeeb la dego haysta
- 19.Oo webiyo ay dulundulcayn, dalaggu uu hawray
- 20.Dawarsiga shisheeyaha aniga, weyga degi weydey !!
- 21.Daaqii ninkale kuu hayaa, Dayro kaa xiga’e
- 22.Daaskaaga waxan kuugu jirin, Dacas ma gooyaane
- 23.Adoo diin Islaam haysta oo, Derajo weyn gaaray
- 24.Dulmigii naloo diidayoo, Daayin naga reebay
- 25.Inaad daadisaa dhiig walaal, Saw dembiba maaha?!
- 26.Shalay baan kun soo dilay inaad, Dunida gaarsiiso
- 27.Oo aad dirkaagii jartaa, Weyga degi weydey !!
- 28.Nin qabiilku daashaday wallee, dubay dhalaankiise
- 29.Duul wax badan qurbaha daadsanoo, barafka doormooday
- 30.Wax dalkiisa ugu diirnaxayn, Wayga degi weydey !!
- 31.Rageenni qarbigu ducuf kadhigay, Ee xarrago daayey
- 32.“NINE-NINE”ka loo wada dalbee, Dibinta ruugaaya
- 33.Oo derajadii uu lahaa, Dumarka loo meershey
- 34. Waxaydaan ba ugu diirnaxayn, Weyga degi weydey !!
- 35.Caruuraha dullooboo ku dhumay, Dunida guudkeeda
- 36.Oo diima kale qaatayoo, Aan dan laga yeelan
- 37.Waxaydaanba ugu diirnaxayn, Weyga degi weydey !!
- 38.Aan tusaale kale doono oo, Idin dareensiiyo
- 39.Adoo dalawo geel haysta oo, Kaynta wada daaja
- 40.Haduu cadow kusoo doonto oo, Kugu dawaareeyo
- 41.Oo daqarro kaa jeexo oo, Daabna kugu jiido
- 42.Oo geela kaasii didsado, Debacna kaa qaado
- 43.Sidii aar halweyn soo dishaday, Kugu dinaahyeeyo
- 44.Oo kugu dul geeraaro oo, Kugu damaashaado
- 45.Adigaa walaalkaa diloo, Jaray dirkaagiiye
- 46.Damiirkaagu suu noqon lahaa, baan ka digayaaye
- 47.Nin qabiil dugsanayoow adaa, kaa kasii darane.
- 48.Dib u fiirsha aayaha dambiyo, Duulka Iman doona.
-
- 49.Waxba Gabaygu yuu ila durkine, Waxaan ku soo deyray
- 50.Qarannimo ninkii diidayoow, Quursi baa darane
- 51.War hoy aan dar qudha ka cabno oon, gaalnimada diidno.
- 52.Oo Aan Islaam lagu daydoo, Daacada ahaano
- 53.Daruur curata Eebbow nasii, Oo nawada deeqda
- 54.Kulli waan dambaabnaye allow, Diinta nagu leexi
- 55.Xareed dulundulcaysiyo Rabboow, Roob nawada dooji.
- 56.Xumihii mid naga daahirshoo, Diifti ku illowno
- 57.Oon derin kuwada jiifsanoon, Deris walaalawno
- 58.Oo aan dorraad waan gafnee, Dib uga waantowno
- 59.Nimcadaan annagu daadinniyo, Aan xaqii dalabno
- 60.Ducadaa Ajiiboo Alloow, Oofi Dalabkaygan . Aaamiin.