Akhristayaasha sharafta mudan, ee mar kasta noo soo gudbiya faalloyinka talada iyo tusaalayaasha miidhan ah, dhanbaalada iyo dhiirrigalinta asxaab nala garab taagan, aadbaan ugu faraxsanahay, idiinkana faa’idaysanaa. Taas markaan ka soo gudbo; waxaan aad iyo aad idiinka raalligalinayaa baaqashada aad ka dareentaan sheekooyinka taxanaha ah, iyada oo ay khalad tahay oo aan wada ognahay, haddana horaa loo yidhi; “Nimca kasta nusqaan bay leedahaye”, waxaan meesha ka madhnayn cilladaha isgaadhsiinta ee lama filaanka ah, taasna aadbaan idiinka raaligalinaynaa, dulqaadkiinana waan ku faraxsanahay sida aad ugu dulqaadataan khaladaadka iska dhaca.
Intaas ka dib, waxaa inoo dhammaatay sheekadii wax ku oolka ahayd ee Shandaranley, Sheekada waxaan ka fahannay dareen shacayl iyo dulqaad badan, oo qof kasta looga baahan yahay, casharki inoogu jiray sheekada waa in aan ka qaadano oo aan waayo aragnimada ka korodhsano, waxyaabaha macquulka ahna aan kaga dayano asxaabti wanaagsanayd ee ay sheekadu ku saabsanayd, siiba Balayax iyo Sukhra. Samirkii wakhtiga dheer qaatay ee ay Sukhra kaga dhur sugtay Balayax. Cudbi oo iyadana khaladkeedi hore ku saxday, abaalgashigii ay xabsiga kaga soo saartay Balayax. Iyo Balayax oo isna waxba u raacan Sargaalkii iyo dadkii ku takrifalay.
Haddaba akhristayaasha qaaliga ahaw, waxaa inoo billaabmaysa sheeko nuxur leh, oo ciddi garan umbaa garane la magac baxday (Godob Jacayl). Oo uu qoray Qoraaga Yaxye Yaasiin Xasan. Sheekadan oo inoo billaamaysa toddobaadkan insha Allaah, waxaan rajaynaynaa inaan ka faa’idaysano, oo ay inoogu dhammaato cillad la’aan, ennaga oo wada nabad qabna.
Akhristayaal halka aad sheekooyinka iyo qormooyinka kaleba kala socotaan waa golshada dhugasho, aadbaan uga hellay la jaal ahaan shihiina, waxaan idiinku mahadcelinaynaa wanaaggiina.