AFKA IYO DHAQANKA

Afka Soomaaliga oo ka mid ah afafka looga hadlo geeska Afrika waxaa uu soo jiray intii ay Soomaali jirtay, in kasta oo qoraalkiisu dambeeyey haddana waxaa uu leeyahay waxyaabaha ay luuqadaha nooli leeyihiin tix iyo tiraabba. Hanaqaadka qoraalka afka Soomaaliga waxaa uu soo maray marxalado kala duwan ilaa uu gaaray heer bisayl ah ka hor burburkii qaranka, waxaana taabbageliyey kana qayb qaatay horumarintiisa muddada uu qoran yahay qodobbada soo socda:

• Ololihii Horumarinta Reer Miyiga: Markii ay Xukuumaddii Kacaanku ku guueysatay qoraalka far Soomaaliga waxa ay hindistay qaabkii lagu dhaqangelin lahaa isla mar ahaantaana loagu baahin lahaa miyi iyo magaalaba, tallaabadaani waxa ay suuragelisay in la gaarsiiyo qoraalka farta Soomaaliga deegaanno badan oo dalka gudihiisa ah taas oo keentay in la yareeyo qoris/aqrin la’aanta qaybaha kala duwan ee bulshada. Ololahaan waxaa ka qayb qaatay hirgelintiisa barayaashii, ardaydii iyo shaqaalihii dawladda ee xilligaas, arrintaani waxay Soomaaliya fagaarayaasha caalamka uga kasbatay ammaan iyo bogaadin.

Soomaaliyeynta Waxbarashada Aasaasiga: Hay’adihii Waxbarashada xilligii Xukuumaddii Kacaanka waxay kaalin wax ku ool ah ku lahaayeen faafinta qoraalka Soomaaliga, Xafiiskii Horumarinta Manaahijta wuxuu afka Soomaaliga ku soo biiriyey manhaj cilmiyeysan oo ku qoran afka hooyo kuna haboon hannaanka waxbaridda dhallaanka Soomaaliyeed, aragtida dhaliilaysa Soomaaliyeynta waxbarashada aasaasiga waa mid ma dhalays ah oo cadawga Soomaaliyeed uu buunbuuniyo, waxaa tusaale wanaagsan innoogu filan in ardaydii wax ku soo baratay afka Soomaaliga ay asaaggooda wax la qaybsan jireen marka loo gudbo waxbarshada sare ee jaamacadeed luuqaddii la doonaba wax ha looga bartee, taas oo ay u sii dheer tahay in nasiibku u saamaxay sugidda qoraalka iyo helidda hannaan saxan oo dhanka higgaadda iyo turxaanbixinta afka Soomaaliga.

Kaalinta Akadeemiyadii Dhaqanka iyo Fanka: Waxay shaqadeedu ahayd kaydinta qoraallada la xiriira afka iyo dhaqanka, sidoo kale ayey Akadeemiyadu daabici jirtay buugaagta ay qalinleyda Soomaaliyeed uga hadalayaan sugaanta iyo waxyaabaha la xiriira, waxay astaan ahayd afka Soomaaliga iyo horumarintiisa.

Wakaaladdii Madbacadda Qaranka: Waxay ahayd hay’ad qaabilsan daabicidda iyo faafinta buugaagta ardaydu wax ka bartaan ee ku qoran afka hooyo, waxaa kale oo ay daabici jirtay wargeysayada iyo qoraallada kale ee hay’adaha daqwladda. Wakaaladdii Madbacadda Qaranku waxay xuddun u ahayd dhawridda dhaxalka dalka oo afku ugu horreeyo.

Hay’adihii Warbaahinta: Waxay kaalin firfircoon ku lahaayeen faafinta iyo turxaanbixinta Soomaaliga, waxaa si gaar ah loo xusi karaa Raadiyo Muqdisho oo ay ku kaysan yihiin qoraallo iyo codad kala duwan oo isugu jira tix iyo tiraabba, Wargeysyada ku soo bixi jiray afka Soomaaliga iyo Masaraxii qaranka ayaa kaalin muuqata ku lahaa hirgelinta afka Soomaaliga muddadii uu qornaa.

Dedaalladii la geliyey baahinta qoraalka farta Soomaaliga iyo horumarinta afkaba waxaa hakad geliyey qaran jabkii dalka la soo gudboonaaday, waxaa yaraaday hal abuurkii ku salaysnaa adeegsiga af Soomaaliga, waxbarashada oo uu afkeennu saldhig u ahaa ayaa dib u dhac la soo dersay waxaana beddelay manhajyo iyo luuqado kale oo ku dhisan dhaqamo kala duwan iyo faafinta  aragtiyada halka ay ka soo fuleen, tani waxay sababtay in ardayda Soomaaliyeed  xilligaan gabaan inay wax ku qoraan afka Soomaaliga iyada oo uusan jirin deelqaaf dhinaca adeegsiga luuqadda ah.

Si loo sugo mabaadi’da qoraalka afka hooyo waxaa lagama maarmaan ah in la qaado olole dib u sixid khaladaadka foosha xun ee xilliyaddaan dambe ka muuqanaya qoraalka afka Soomaaliga gaar ahaan qoraallada lagu soo bandhigo baraha bulshada, sidoo kale dhallinyarada ka hawgala warbaahinta gudaha ayaa u baahan tababar ku aaddan adeegsiga af Soomaaliga hadal iyo qoraalba.

Waxaan xusuusinayaa maamullada dugsiyada inay u dooraan dhigista maaddada Suugaanta iyo Soomaaliga bare aqoon u leh afka iyo dhaqanka Soomaaliyeedba, sidoo kale ayey la guudboon tahay maamullada Jaamacadaha in kulliyadaha dhammaan ama qaarkoodba lagu soo daro mawduucyo xiriir la leh afka Soomaaliga iyo adeegsigiisaba si ay ardaydu awood ugu yeeshaan wax ku qoridda afka Soomaaliga. Ugu dambayn waxaa haboon in ardayda ka qalin jebinaysa kulliyada kala duwan qoraallada ay samaynayaan ay noqdaan kuwo ku qoran afka hooyo si ay ardayda dhiirrigelin ugu ahaato, xarumaha cilmi baarista waxaa saaran mas’uuliyad ah horumarinta afka Soomaaliga iyo in deraasadahooda ay u adeegsadaan AF Soomaaliga si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideystaan.        

(Wargeyska Dugsi)