“DAACUUN QABIIL”

waxan kaga qayb qaadanayaa silsilad suugaaneedii ka socotey GOLAHA ABWAANKA ee DABARGOOYNTA QABYAALADA.mucdii iyo murtidii waa la iga hor laastay,waxna lagama tegin,laakiin waan iska daba geli.
halqabsi:abwaan XasanDaaci Abiib Faarax(oo ah gudoomiyaha golaha abwaanka),iyo abwaan Faysal Bariir Adem(oo ah iba furaha silsiladan) gabaygina waa kan:

1.Xassanoow adaa daaciyoo, qaaylo_dhaan diraye
2.Duca qabe abwaan faaysal baa, daaray maansada’e
3.Dar_dar gelintan aad noo dhigteen, waan ku diirsadaye
4.Dayax iyo if baad noo tihiin, noo dedaal galaye
5.Idinkiyo intii daacadnimo, nagu dardaaraaysa
6.Hambalyiyo salaan diiran baan, idin dareensiiyey
7.Ana dookha shaaydaanka iyo, diidey suu rabo’e
8.Aan duqeeyo beel kala diliyo, daalinkiyo tuuga
9.Wax waliba dawuu leeyohoo, daaim soo rogeye
10.An dabiibo daacuun qabiil, wuu na daashadeye
11.Darxumada qabyaaladi dhashaan, soo darxinayaaye
12.Ka dibira tusaaliyo wax sheeg, waano waa dahabe
13.Duul lagu qafiley guri la dedey, debedna loo diidey
14.Mid ka midi hadii uu dab weeyn, daaha qabadsiiyo
15.Oo uu damiin kalena gaas, daafta ugu deexsho
16.Inta kalena aay daawadaan, daarta ololkeeda
17.Gidi inaan laf laga duugahayn, waa tu daahirahe
18.Dad qabyaalad door moodey baa, saas ka sii darane
19.Deegaan qaboow, doog ka baxay, xoolo wada daaqa
20.Dur_dur aan go’aayn daayrta iyo, danabka jiilaalka
21.Dar magaalo, diib iyo dukaan, ganacsi duulaaya
22.Meel dalab waxbarashiyo dugsiga, lagu dareeraayo
23.Dan_wadaag intaa wada lehoo, derisahoo fiican
24.Oo duunyadiyo dumarka iyo, deeqda kala qaata
25.Immisuu diraadire dudmiyo, dirir wadaagsiiyey
26.Waataay dubaabaadka iyo, hub isu doonteene
27.Abti dooxan,Seediga la diley, dumarka ooyaaya
28.hanti lagu degiyo boobka oo, laysku dabar gooyey
29.Waataay gunnimo darartayee, loo dariiq furaye
30.Midna ma calfan meeshuu doraad, diiga ka ahaaye
31.Dulin iyo dhul daandaansan baay, magan u doonteene
32.Gidigood qax iyo dewersi baay, nabad ka doorteene
33.Magacaa deg soomaaliyeey, waysku digateene
34.Xaaydhaweeyn nidaam darawashiyo, nolol ma doortaane
35.Iyagoo dersina baay dhamaan, dab isku daadshaane
36.Duqsiguna biyaha diiran buu, dalaq yidhaahdaaye
37.Inaguna kuwaa dabar go’aan, daraf wadaagnaaye
38.Wax ku duma, wax kala daata iyo, dakharo mooyaane
39.Lama arag qabyaaladi dad aay, dabaqyo dheefsiisey
40.Doofaar baqtiyey oo qudhmiyo, ey ka sii darane
41.Dibjir aan naftiisaba daryeel, ugu dedaalaaynin
42.Iyo ruux damiir gaaban baa, soo daliishada’e
43.Danaaystaha dantiisuun fushada, baa dabka u shida’e
44.Alla doori xaabada la shiday, doqonka weeyaane
45.Shacabkeenan dagan baa kolkaa, lagu dubaayaaye
46.Soomaali meel aay degtoba, waays deldelayaane
47.Han dalaca ma yeeshaan qabiil,kama duqoobaane
48.Dib u dhaca walaalkii nin jecel, kuna dedaalaaya
49.Ood daahir moodaayso oo, dedaya uurkiisa
50.Una dhoow dilaaciyo inuu, qudhunka soo daaco
51.Ma dahsoona oo waa daciif, durugsanoo liita
52.In qabyaalad duub loo xidhoo, darajo loo yeelay
53.Oo lagu dikriyey lana dugsadey, waxa daliilkeeda
54.Daaquutku kuu duufsadee, duraya diinteena
55.Cidna kuma dagaashee tolbuu, garab ka doonaaye
56.Kii diidmo ugu muujiyana, waa la didiyaaye
57.Diinta kama xigtide daa ayaa, lagu difacaaye
58.Se haddii qabiil dood yar qudha,lagula deel qaafo
59.Duqa iyo suldaankuba cadhaay, kaga deyaanshaane
60.Sida baarqabkaay doobta iyo, dhibida daadshaane
61.Bal dar_xumo sidaay noo degtiyo, daya dunuubteena
62.Waxan hadalka dulucdiisa iyo, gabay ku soo duubay
63.Dulmi kii galoow jahanamaan, kaaga digayaaye
64.Caqliga iyo diintiyo dadnimo,ha ina kala deeyso

CURIYE:C/LLAAHI IBRAAHIM CARRAALE