SHEEKO- GODOB JACEYL

Xuquuqda dabacadda © Yaxye. Yaasiin Xasan 2017

Buuggan lama daabacan karo, lamana badsan karo

iyadoo ogolaansho laga haysan qoraaha buugga

xuquuqda qoraalka way dhawrsantahay.

Tafatirayaasha.

Nuur Deeq Daahir (Af-barwaaqo)

Xasan Qaalib Jamac (lama filaan)

Faarax jaamac Faarax

Xasan nuur (kaabe)

Q-1aad

Ammintu waa 12:30 duhurnimo, cadceedu kala barka cirka ayey joogtaa, Jawigu kulayl

iyo huur ayuu leeyahay, kulayl dartii shimbirihii hawada sare duulayey baa geedihii

qallalay ee dhulka qod ahaan u taagnaa, miciin bidaya. Waxaa dhacaya hanfi, dabayshii

xagaaga oo olol iyo humre wadata baa wajiga ka leefaysa, indhahana aragga ka naaqusinaysa.

Dhulka waxaa ka kacaysa siigo ilaa cirka isku sii dhererinaysa, dadku waxay ku jiraan abaar

 ba’an iyo macluul, ceelashii ay dadka iyo duunyadu ka cabbi jireen baa wada gudhay,

Iska daa geed midhood iyo xaab ay afka saaraan e, geed adaygii ay wakhtiga adag cuni

 jireen baa gabaabsiyey. Dheeftii iyo nacfigii lagu qabay baa yaraaday: Caano iyo cad ba.

Daaqa ka dhammaaday iyo biyo la’aanta isugu biirsamay baa xoolihii lagu dhaqnaa

saameeyey. Wayd, lafta duudka iyo calooshu is galeen weeye neefkiiba, inta waydnimo iyo

gaajo ku nool waxaa ka badan, inta bakhtiga ah ee bannaanada wadhan, Caddaanka xoolihii

bakhtiyey lafahooda baa ku cawiray.

 

Dadkii intii jilicdasanayd haraad iyo gaajo ayey u dhinteen, waxaa dillaacay cudur abaarta

ka dhashay, Intii yarayd ee abaarta ka badbaaddayna, waxaa soo ritay cudurkii.

Duurjoogtii oo ay qudhoodu abaartu saamaysay baa tuullada usoo dheef doontay. Weerero

badheedh u badan bay hadba ku soo qaadaan intii yarayd ee waydda ahaa.

Nasiib wanaag se, abaartu waxay barwaaqo sooran u ahayd haadda hilib cunta ah: gorgor, geel toosiye, durmi, yuli iyo tuke ah. Markaad laba tallaabo qaadid ba, waxay dhayahaagu

qabanayaan, shimbirihii oo cunaya bakhtigii xoolihii abaartu dishay, Ax! tiiraanyo badanaa.

Saafi Ciid reerkoodu waxay go’aansadeen inay ka guuraan deegaankoodii abaartu

halakaysay, oo ay raadsadaaan baad iyo biyo xooluhu u cuna. Waxay u boqolayn degaanka

Ramaas oo raxmad alle ka da’day. Siddeed caano maal ayey jidka ku soo jireen, intaasna maalin

maysan helin biyo aay cabaan iyo cunto ay jiddiinka mariyaan. dhibaato, silic, balan-bal,

rafaad, dar-xumo iyo diif ayaa ka muuqata korkooda. Gaajo iyo silic ayuu bogga iyo laabtu

iskugu dhageen. Rafaad iyo daal badan ka dib, waxa soo gaareen Degaanka Ramaas. Reer

Ramaas waxay u so dhaweeyeen dadkii doolka ugu yimid, si wallaaltinnimo iyo qadarin leh,

waxaa ay ka caawiyeen dhisida aqal soomaaliga, tusida ceelasha biyaha, iyo soo dhaaminta

xareeda; waxaa kale oo ay reer Ramaas yiraahdeen, “sanadka wax beer ah lama qodi

karo, si gaar ah na seero looma oodan karo e, tigaada si walaaltinimo ah ha loo wada daqo.

Saafi Ciid Bulaale waxay ahayd inan qurux Ilaahay ku manaystay, Waxay ahayd gabadh cas,

dheer, san dhuuban oo dheer, timo jilicsan oo miskaha dhaafaya, ilko xooga dabar leh, kub

wayn. Midda kale, quruxdeeda waxaa u sii dheerayd edab wanaagsan iyo xishood ninkii

indho ka qaada ba, wuxuu hawaystaa, isla jeerkaana niyadda geliyaa inay oridiisa noqoto!

Cabdirashiid Cabdi Cismaan wuxuu ahaa wiil reer badiye ah, oo ku nool deegaanka Ramaas.

Isagga oo jooga reerkooda oo deggan meel la yidhaahdo dhumay, oo ah dooxo ku wanaagsan

xool daajinta, ayaa uu si kamma’a u arkay Saafi Ciid oo caws ka dhex guranaysa dooxada.

Eegmadii hore haddii uu u maleeyey mudutuul, mar labaad waakan daymo u celiyey dhankii

Saafi ka xigtay. Quruxdii Rabbaaniga ahayd ee Saafi, ayaa soo jiidatay sidii magnad qalbigii

Cabdirashiid. Waa kan ku indho go’san inanta. Kalgacayl iyo jamasho ayey ku abuurtay

aragtidii koobaad, Cabdirashiid. “Waa tan inantii aan raacdada ugu jiray muddo badan”, ayuu hoos

keligii isugu la hadlay. Habeen habeennada ka mid ah, ayaa sidii

dhaqanka iyo hiddaha innoo ahayd cawaysinka markii ay tahay, Cabdirashiid Cabdi iyo

dhalinyaro saaxiibbadiis ah go’aansadeen innay u ciyaar gudaan barxad guriga Saafi Ciidiyo u

dhaw. Jaandheer oo ah ciyaar degaanka laga ciyaaro, ayey reerka Saafi Ciidiyo ku ag

qabsadeen tumisteeda. Cabbaar haddii ay ciyaarto u socotay, Saafi iyo Ina-adeerteed

Caasha oo wada socda baa jiibta iyo jaanta ku soo darsaday ciyaarta. Habeenkaas oo dhan

hididaa la hayay, oo hadba jiibta iyo jaanta aya la isla helayey. Marku waagu soo dhawaaday,

welina cirka iyo dhulku isku jiraan bay soo afmeereen ciyaartii, Intii lagu guda jiray

ciyaarta, is barashada iyo haasaawuhu kama madhnayn. Cabdirashiid oo ciyaarta ba u yimid

Saafi barashadeeda ayaa fursad uu ku barto ku helay Saafi, Inkastoo Saafi ina-adeerteed

welinaysay, haddana uma joojin e wuu bartay. Isaga ayaana soo dhaweeyey oo keenay

gurigoodii. Aadan Cali oo la socday Cabdirashiid baa furasad u siiyey inay

Cabdirashiid iyo Saafi gaar u wada socdaan, isaga iyo Caashana ay daba socdaan.

Cabdirashiid oo kolba su’aal wayddiinaya Saafi baa ku yidhi, “Ciyaarta aad baad u taqaan jiibta

iyo jaanteeda.” “Dabcan, adba iga ma liidatid oo si wacan baad u taqaannaa.” ayey si kalsooni ka

buuxdo ugu jawaabtay. Gurigii bay soo gaadheen iyaga ood mooddo inayna waxba soo

wada socon. Saafi ayaa ku soo dhawaysay gurigoodii Cabdirashiid. Waxay u gogoshay

harar. halkii baa sheeko qurux badan la is dhaaf saday. Dabadeed, markii uu waagu soo casaday

baa la is nabad galyeeyay…