Hanaanka kaabidda dhaqaalaha ee loo yaqaan amaahinta fudud ee lagu maal galiyo ganacsatada yaryar ayaa ah hab dalalalka lagu soo kiciyo wadamada soo koroya marka dhaqaalahoodu dhulka galo sidda marka ay dhacaan masiibooyin dabiici ah ama kuwo dad sameeyey oo ay ka mid yihiin dagaallada aafeeya nolosha bulshada dalalkaas ku dhaqan
6 arrin ka ogow dhaqaalaha Soomaaliya
Soomaalidu haddaba waxay ka mid tahay wadamada ay saameeyeen dhibaatooyin is barkan oo dabiici iyo kuwo dad sameeyeyba ay ka mid yihiin. Waxa dalku muddo dheer ku jiray colaado daba dheeraaday iyo abaaro soo noqnoqday oo tii ugu dambaysay weli riiqdeedii taagan tahay, walow uu gobolka Geeska Afrika oo dhan la qabo.
Hadaba hannaankan bixinta amaahda fudud ee la yidhaahdo Micro Finance, oo hannaanka uu u shaqeeyo uu ka mid yahay mid aan dulsaar lahayn oo la odhan karo waa nooc la jaan qaadi kara Shareecada Islaamka.