Curiye: Ibraahiim Cawil Cali Cuuke
Xilliga: 25/08/2014
Goobta: Garoowe, Puntland, Soomaaliya.
Miinlayda gabayeed baryahan, muuji ma lahayne.
Maantana muraadkey ayaan, maanso ku caddeyne.
Mawjadaa mid ii kaydsan baan, kaga magawsiine.
Madaxdeenna golahaa mar hore, mariyay dawgeede.
Dhammaan mahad ayaan ugu hayaa, macallimiintay’e.
Marinkood haddaan qaado oon, meelo kale aadin
Ma’ aaddaan ku soo meeriyoon, milicsi dheeraado.
Maqdac weeye aan laga koreyn, muran qabyaaleede.
Miskiheed inaan goyno waa, noo maslaxaddeene.
Is maqiiqa Soomaali diley, maydka tira-beelay.
Mugdi meelkastaba gaadhay iyo, dhiigga mulacyeeyay .
Markaan milicsadaabey qalbiga, meel i gubataa.
Maqsad ma leh qabyaaladi waxay, madhiso mooyaane
Madaxnimo haddii ay heshiyo, maamul iyo dawlad.
Mahadnaqa ILaahey ma jiro, Mawle barigiiye .
Marinkii qaybyaaladi lahayd, mariye xaalkiiye .
Maskaxdood Allow soo dabbaal, waa macno la’aane.
Maqsad ma leh qabyaaladi waxay, madhiso mooyaane
Madax sare waxaa loo ridoo, mooshin lagu oogey.
Manficiyo waxaa looga jarey, maalka lacageed ba.
Macnihiyo waxaa hoos u dhigey, magaca Soomaali.
Waa qabyaalad meeqaamka dili, loo mushxaradaa.
Maqsad ma leh qabyaaladi waxay, madhiso mooyaane.
Marti soorka maamuuska wacan, wey mudugisaaye
Madaxnimada,meeqaamka sare, wey maxkamadeyne.
Midowgiyo midnimadey dishaa, macangag beertaaye.
Muraadkeedu waa baaba’ iyo, maafish iyo hooge.
Iska moosa Soomaaliyeey, waa mas iyo goode .
Maantana intaasaan ragow, soo madiidixaye.
Waxaan gabay ku soo Meeriyoon, meelna uga dhaafin
Maqsad ma leh qabyaaladi waxay, madhiso mooyaane !!
Waa gabaygii ugu dambeeyay Silsiladdii dabarjarka qabyaalada