Qaybti 2aad Sheekadii Godob-jacayl

Aftahanimadii iyo hadaladii xigmadda aha buu Cabadirashiid la
dhacday. Saamayn wayn iyo raadad bay ku reebeen qalbigiisii. In yar haddii uu jooga ba,
wuxuu xasuusanayaa Saafi hadaladeedii. Si wayn bay qalbigiisa u degtay.Waa uu jeclaaday
jacayl ayna la ogayn. Laba maalmood ka dib, Cabdirashiid wuxuu
yimid gurigii Saafi; aqalkii gaarka u ahaa ayay ku soo dhawaysay. Waxay tustay soo jiidasho
aad u qurux badan oo gobanimo ku dheehantahay. Kaftan la isku dhiidhiibay ka dib,
Cabdi rashiid wuxuu u soo bandhiggay innay xidhiidh yeeshaan. Saafi Kuma gacansaydhin e,
si carablaab ku jiro ayay ugu jawaabtay. Taasoo ay leedahay dhib ma leh haddaynu xidhiidh
yeelano Cabdi rashiid oo xiisihii iyo boholyawgii uu u hayey ku sii laba jibbaarmeen ayaa isa siiyey Saafi. Waxa uu go’aan ku gaadhay in uu sameeyo wax walba uu ku helikaro.
Dabaddeed, la kal tag maalintaa. hase yeeshe, Saafi gurigooda lagama qoob qaado: hadday
tahay haasawe tag ama ciyaar gud. Iyada oo sida Cabdi rashiid u danaynayo si ka wayn loo
danaynayo, Saafi sheekadaa iyo cayaartaa wax kale uma dheera. Nin waliba oo usoo haasaawe
taga kolnna sidii ay Cabdirashiid ugu carab laad laadisay ama u soo dhawaysay uma soo
dhoweyn. Cabdi rashiid oo ay awood ka tan badani jiidanayso baa ku soo laba noqoday gurigii Saafi. Hase ahaatee, wakhti fiican kama helin Saafi oo mashquul badnayd darteed. Saafi
waxay ahayd inan yar oo markaa gashaanti noqotay. Laf dhabartii reerka Ciid Bulaale ku
dhisanyahay bay ahayd. Waxay ahayd boqolkiiba siddeetan, ta qabata hawsha guriga.
Markii ay ogaatay tartankuu inan-ragged ugu jiro, go’aan waxay ku gaadhay inayna rag ba
salaan ka qaadin. Nasiibdarro, Cabdirashiid go’aankii ay Saafi gaadhay ayaa saamayn k
u yeeshay xidhiidhkii bilawga ahaa ee uu la lahaa Saafi. Oo wuxuu la mid noqday inan-raggeed oo dhan. Jacaylkii Cabdirashiid galay oo aanan warka hayn go’aankii ay Saafi gaadhay, ayaa ladh

horleh ku soo laba kiciyey qalbigii Cabdirashiid. Waxa uu gaadhsiiyey heer uuna seexan,
hadhsan, wax cunin, biyo mooyee baad kale afkiisa saarin. Aroortii, galbtii iyo habeenkii ba
waa uu ka fikiri jiray. Xasuusteeda ayaa harqisay qalbigiisii. Cabdi rashiid Saafi aad ayuu u jeclaa,
naftiisa ayuu ka jeclaa. Muddo hadimada jacaylku waxay keli ku ahaataba qalbigiisa,
Saafina ku adkaysato go’aankii ba’naa ee ay gaadhay warli’i; maalin maalmaha ka mid ah buu
fursad ka helay saafi ciid. Wuxuu is tusay inuunan beerdarayn fursaddan. Min Alif ilaa Y
inuu usheego kalgacaylka uu u hayo ayuu ku tashaday. Dabadeed salaan kadib, wixii
qalbigiisa gubayey ee u diiday jiif iyo joogtoona ayuu si qurux badan ugu soo bandhigay. Heerka
uu la marayo iyo sida uunan keligii wax uga qaban karin buu dhegta u galiyey. Haba
yaraatee, haddii ay wax un la qabato, sidan uu hadda ku jiro inuu dhaami lahaa ayuu u sheegay.
Nadiibdarro se, dhag-jalaq uma siin warkii Cabdirashiid. si foolxun oo ay nacasnimo ku
jirtana way ugu gacansaydhay. Si ay is tidhi waad ugu qoos-goysay misne Cabdirashiid quus u noqonayn bay kaga dhaqaaqday. Cabdirashiid oo ay talo ku caddahay, xaalad xunna ku jira, baa rejo la’aanta iyo waji-gabaxii uu kala kulmay Saafi, la sii wareeray.waxaa ku dhacay:

“Dhibaato jaceyl la dhaanteeyoo
Qofkaan isku dhiibay iga dheer”

Jaceylka waa dabayl taasoo cid walba ka adag, da’ kasta ha ahaadee. Cabdi rashiid wuxuu ka
mid noday dadka jaceylka aadka ugu nugul, intuu qonbobay oo qalalay ayuu kala siibtay,
wuxuu ku hadaaqi jiray ‘ma la dhuubtay awgaa’ Sida uu ugu xanuunsanayo jacaylka, gabadhii uu
darteed u xanuunsadayna ay u xasilan tahay baaa bulshadii fajac iyo amakaag ku noqotay.
Jaceylka daran ee haya Cabdirashiid, waxaa ka adkaysan waayey dhalinyaradii ay isku
xidhnaayeen, markaasay weerar afka hadal u badan ku qaadeen Saafi Ciid Bulaale. Laakinse,
wax ba ma soo kordhin dedaalkii ay sameeyeen dhalinyaradii Cabdrashiid la saaxiibka ahayd.
Inna inay bal Saafi soo dabacdo halkii ay ka sugayeen bay kag sii darnaatay sidii ay awal
hore ahayd.waxa laga joogsaday quus balse isagaa xanuunkaasi wuxuu ku noqday boog aan
cidina dhaymadeeda hayn.Qalbigiisana wuu ka tiriri kariwaayey Saafi Ciid Bulaale…