Curiye:- Abshir Cabdi (dalmar)
1. Inkastoon dabuub gaar ah oran tan iyo doorkiiba
2. Inkastoon duqeedii ahaa doorarka gabayaaba
3. Inkastoon daciif leygu baran duni intaan joogay
4. Inkastoo dulqaad leygu laray daayin abidkeyba
5. Inkastoon dulmiga diidanaa dunida guudkeeda
6. Inkastoon la duubnaa xaqoon diiday xumahoo dhan
7. Inkastoo dikriga Eebahey daakhil i xarooday
8. Inkastoon dubaaqeygu hamin daano weligeyba
9. Darajaale siciid muuse baa ii dugaal xiraye
10. Isagaa dariiq iiga wacay door inaan galo’e
11. Abwaaniin da’weyn buu i yiri weys dirqinayaane
12. Ana doorkey maanteey tahee aan dul maro heesta
13. Oon duur xulo xaajadaan durugtay maankeeyga
14. Dibna aan u fiirsado koleey duul ayaa haraye
15. Qabyaaladi duf weeyoo horaa daato loo qoraye
16. Dulmi gaar ah weeyoo hooraa looga soo diggaye
17. Sida roobku daahiil abaar doog u soo bixiyo
18. Degeb omosa ubax daah furtiyo dalag u soo saaro
19. Oo duunyo xooluhu dhergaan doogna ku idlaaday
20. Oo doogsi haaamaha dadkii daafa ka cabbaayo
21. Iyo door colaadeed kolkii lees dabaal xirayo
22. Oo duunyadaadii la dhaco heyb laguu dilayo
23. Oo daaro iyo waxaa deeq laheyd lagu dakeeynayo
24. Miyaa doorki kuu simanyahoo leesku daray maanta?
25. Afartaa daliilkeeda qoray damaqna ii dheere
26. Mar hadaan dabuubteeda qoray dilaha soomaali
27. Cudurkii dahsoonaa hadaan dibadda soo saaray
28. Oon daakhilkeedii fur furay dulucna soo muujay
29. Dembi miyaan ku leeyahay hadaan doojay nabarkiisa
30. Dufcadoow abwaankeenu qoray yaan daliil orane
31. Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
32. Imisaa daluun lagu xiroo arliga hoos udaa degaye
33. Imisaa daleedaha hoydoo daqaro loo geestay
34. Imisaa dareenkoodu lumay duulna saacidine
35. Imisaa dugaal laga baxshoo dibbada loo saaray
36. Imisaa gacmaha doogtayoo duunyo kale heysan
37. Imisaa duruuf aadminimo doonyo ku halaagmay
38. Imisaa dalaaw uga baxeen derida soomaali
39. Imisaa dugaagyadu cuneen duhur ileeys-kiisa
40. Imisaa agoon daahil qaba dunida meereysa
41. Imisaa la dooxoo habeen deegta laga gooyay
42. Imisaa wariidyada ladabay duni kasii meeray
43. Imisaa dal sarre aadayoo diidan maqalkeena
44. Imisaa kaniisada duktoo diinta ka huleelay
45. Imisaa dareen gaar ah qaba duulna u ogeyne
46. Imisaa dirkoodii fakaday raadki daba jooga
47. Imisaa duleedyada maroo baafin dihanaaya
48. Imisaa la duubtoo buntuqa deegta loo geliyay
49. Imisaa qabyaaladi dishoo illaah naar u daalacaye
50. Waa iga digniin dadyahow duufsan abidkiisa
51. Dulli laguma raagee ogow aakhiraa dihane
52. Duulaan colaadeed tolkeey way ku sii didiye
53. Allow dami qabyaaladi waa duruuf ba’ane
54. Allow dami dadkii aad laheyd wa damqanayaaye
55. Allow dami dad daalaan nahoo diriq ku noolaaye
56. Allow dami duqeydaan laheyn dooxataa helaye
57. Allow dami dufeylkaan dhalniyo dumarki aanfoowye
58. Allow dami dulqaad kaan laheyn abidki duugoowye
59. Allow dami daciif kaanan garan danaha soomaali
60. Allow dami dabkaa nagu shidmee daarihii gubaya
61. Allow dami dagaalkaan arliga leesku daba joogo
62. Allow dami dareenkaa amxaar dunida noo muujay
63. Allow dami cadaawaha nadilay ee nadabanaaya
64. Allow dami qabiilkaan duluggan ee nadilay maanta
65. Allow dami nafaan daacad qabin diidan magaceena
66. Allow dami daciif kaa fur furi xumuhi aan duugnay
67. Allow dami adaan daacadnimo kugu deyeeynaaaheQ