Q-31aad shandaranley

Balayax ayaa qoyskan darxumaysan aad u eegay, wuuna gartay inay yihiin qaaxootigii cusbaa ee Hargaysa ka soo barakacay dhawaan. Balayax, oo aan weli ka sii jeedsan qoyskii qaxootiga ahaa, oo isha la sii raacaya ayey ruuxii dumarka ahayd, ee ilmaha yar xambaarsanayd soo eegtay dhinicii Balayax. Ka dibna Balayax oo ku fooraray rushaynta iyo fiiqidda meheradda horteeda ayaa kor u eegay qofkii dumarka ahayd, saa waa qof uu wejigiisa aad u garanayo. Dabadeedna aad buu uga il-sugtay, saa wuuba gartay, oo waxay noqotay gabadhii Cudbi, oo ay iskugu dambaysay afar sano ka hor iyo ninkeedii kornayl Sayruukh oo Hargaysa ka soo baxay.

Balayax markuu hubsaday, inay Cudbi tahay ayuu dhawaaqay oo yidhi: “Naa Cudbi” ka dibna Cudbi oo aad ugu oommanayd, qof indho garad ah ayaa eegtay, saa waa Balayax. Dabadeedna, way ku soo dhaqaaqday, ka dibna si diirran oo dareen kalgacayl iyo xasuus leh ayaa la isu gacan qaaday. Ninkii Balayax, qoyskii Cudbi  si wanaagsan buu u soo dhaweeyay, wuxuuna kulligood fadhiisiyay gudaha meheraddiisa, wuxuuna siiyay  cunto iyo cabitaan degdeg ah si uu nafta ugu soo celiyo.

Gabadhii Cudbi ee madluumka iyo xaaladda yacsumman ku jirtay, niyaddeeduna dharaska ahayd, farxad bay la kala badatay, waxayna aragtida Balayax u noqotay sidii ay heshay walaalkeed rumaad.

Markii ay qoyskii masaafurka ahaa yara nefiseen, ee ay waxna dhadhamiyeen, waxoogaana nasteen, ayay Cudbi is-bartay Balayax iyo ninkeedii, waxayna hadalkeedii ku billawday, “Balayax ninkan aan iskiin baro’e waa ninkaygii” haddana ninkeedii bay ku tidhi, “Inankani waa ina adeerkay, waana wiilkii aad barigii dilka ka sii daysay.” Intaa ka dib, Balayax iyo Cudbi ninkeedii si fiican bay isu gacan qaadeen.

Cudbi iyo ninkeeda waxay Hargaysa kaga soo baxeen kadis, afar caano maalna oomato kama degin. Hantina waxaa mood iyo noolba  u ahaa fargalkii ay doonaysay inay dahablaha ka xaraashto, ta kale Dirri dhabana cid kuma ay ogayn, ee nafta ayuun bay ula soo carareen, sidaa darteed, haddii ay fargalkii habeen caruurta ku seexiyaan, wixii ka dambeeya meel ay u irkadaan may garanayn, waxayna ka baqayeen inay gaajo u le’daan. Balse nasiib wanaag waxay Cudbi heshay Balayax oo ay awooddiisa dhaqaale u saamaxayso inuu wax taro, abaalna ay ku lahayd. Xasuusta waayihii ku soo maraa, waa shay lama huraan ah. Sidaa darteed, Cudbi waa gabadhi ay Balayax is jeclaayeen, ayaamu minasamaan, ee ay baadiye is kala soo haajireen, balse raafka iyo cududda lagu kala irdheeyay, aakhirkina guursatay Sargaalka.

Cudbi waa gabadhii uu Balayax gurigeeda hor yimid, isaga oo u boholyoobaya, balse intay ogaan ugu badheedhay, albaabka ka xidhatay. Waxaase Balayax xasuustaa aan qalbiga u wanaagsanayn ka masaxay abaal kale oo ay Cudbi u gashay maalin maalintaa ka dambaysay. Waayo Cudbi, waxay Balayax xumaantii iyo uur xumadii maalintaa hore u gashay kaga baanatay, ka dib markii ay naftiisa ka badbaadisay geeri, ee ay waliba intay u muctaadday ku booqatay xabsiga, adduunkana ugu geysay, isaga oo aan filayn ehel xabsiga ugu imaanaya.