Siciid Cali Cismaan wuxuu ahaa arday laba waallalo ah kala dhaleen cabdirashiid diiriyejaamac. Wuxuu dugsi dhexe ka dhigan jiray magaalada Heego. Wuxuu ahaa arday jacel inu barto dhammaan ba dhaqanka iyo hiddaha. Sidaas daraadeed, xiliga fasax dugsiyeedka lagu jiro wuxuu u caano-doonan jiray Miyiga. Markii la gaadhay Fasaxii waynaa ee sannad dugsiyeedka, Siciid wuxu aaday deegaanka reerkoodu dago. Xilli barwaaqo ah buu gaadhay, reerahoo deggan Dhumay oo aad u deellan, waa meel jawi fiican, kulayl iyo qabowna daa warkii. Waa meel hawo dhexdhexaad ah. Waa dooxo balaadhan oo tigaadu aad u baxday, jiidhaamo iyo mugucyana ku dhexyaallaan. Xoolaha meelo fog fog looma daaq geeyo. Aqal walba agtiisa ayey xooluhu ku dhawyihiin. Geela waa la xigsin maalaa, Nirgaha iyo qurbacduna way ag joogaan. Dooxadan waxaa soo biyeeya togga la yidhaahdo Xeeridheere, ee soo mara meesha hodanka ah ee aad suugaanta ku maqasheen ee dhaho, Xalin la Sayid Maxamed Cabdille Xasan markuu bixinayay faraskii la odhan jiray Xiinfaniin waa
meeshii uu lahaa:
“Xayskaa da’aayaan lahaa xalin ka dooyeeye
Meesha iyo xeebbaan lahaa xiito ka eryood”
Biyaha toggaas ka yimaadda baa dhumay fadhiista. Waxaana daga ilaa labiyo toban kun oo qoys. Tigaad mooyee dhir sare maleh, waxa dooggaasi kaa qariyo mooyee, meel walba waxbaad ka arkaysaa. Waxay weeye meel aan magaallo waxba ka hoosayn. Waayo, waabab baa laga dhisaa, waxaana laga furaa kaamam. Sidaas baan qofku magaalaba ugu baahanayn. Oo kaamamkaa la keenaa wixii magaalo yiilba. Siiciid markuu reerkii soo gaadhay, wuxuulakulmay walaalkiis Cabdirashiid, si duu u kala siibtay hamiga, hurdad laa’anta, cunto laa’anta, fakarka iyo muuqaal xumada ka muuqata. Cabdi wax uma sheegin balse bulshadii kale baa warkii oo tafatiran u dhiibtay. Siciid go’aan buu qaatay kaasoo ah inuu waxkasta ha ku qaadatee.
gabadhaa walaalkii u dhimanayo gacanta ka soo saaro, isagoo ku dhaqaaqaya tilmaamihii laga siiyay Saafi Ciid Bulaale. Meesha lama dhaansado gaadiid Waayo, mugucyadii baa u wada dhaw haraadna maleh. Gabdhaha ayaa joog ama kildhi wayn oo wax lagu xalo soo dara mugucyadaa. Saafi sidii ay go’aanka u gaadhay ilaa hadda rag kama qaado salaanta. Markasta oy ka soo dhaaminaysa jiidhaanta, ragga waddada ka raaca afka uma furto. Dhumay waddooyin xiligii jiilaalka ay bixiyeen nugulka, sida fardaha oo meesha aad ugu badan; nooca loo yaqaan Suunaari ayey caanka ku tahay Dhumay. Dhumay lo’da inaad hesho mooyee ma dhex mari kartid, waayo tigaad baa ku xidhaysa taasoo u badan geedka la yidhaahdo Gargaro. Waddada ay hayso Saafi sii socodkana waxaa u fadhiista dhalinyaro, soo socodkana la mid. Balse marna isma taagto. Siciid oo warkeed la cabsiiyay aqoona ayna isu lahayn,
soona raadiyay baa ku soo baxay iyadoo biyihii ka soo baxday. Wuxuu soo qaaday waddo tay hayso gudubta ama ay isgoyaan ba, in yar bay ka hor goysay. Balse hadalka maa aha tayaag ee way isku dhawyihin. Wuu og yahay inayna Saafi istaagin, wuxuu ku yidhi ” gabadha waan ku salaamay ” Waxay ugu jawaabtay “waa lagaa qaaday” iyadoo socota oo laafyonaysa.
___Wuxuu ku yiri; “fadlan hal kalmad ah ka dibna fasax baa tahay”. Saafi way istaagtay
___Wuxuu ku yiri;
“Inkastoo qabyaladi godoo la isku qabanaayo
Haddaana qoonsimaad ma leh waxaan qalad ku
dheehnayne
Inanyahay qiyaas loo socdiyo hadalka oo qaybsan
Qumanaantu way fiicantahay qamar la moodyeeye
Laakiin qabwayn lama rabiyo kor isku qaadqaade
Awal qaali baan kugu watiyo qaayo gabadh wayne
Imikana qashuuc iga baxyoo waan qajilayaaye
Qaayaha wajiga ha igu hodin , qurixi waa duuge…