Haddaad dhafarto habeenkii xal ayaa laguu hayaa

Waa inaad wax ka baddasho sida aad habeenkii u seexato, taasina waxay hagaajin kartaa qaabka uu jirkaaga u shaqeeyo, iyo caafimaadkaaga, sida ay sheegeen seynisyahannada UK iyo Australia.

Waxay diiradda saarayaan “dadka dhafra” ee jirkooda uu la qabsaday in ilaa xilli dambe ay soo jeedaan.

Farsamooyiinka la adeegsaday waxaa ka mid ah in xilli isku mid ah la seexdo habeen kasta, in laga fogaado cabitaannada hurdo la’aanta keena iyo in subixii la is qoraxeeyo.

Baarayaashu waxay sheegayaan in qaabka ay wax u baarayaan uu u muuqan karo mid iska caadi ah, laakiin isbedel aad muhiim u ah uu ku yeelan karo nolosha dadka.

Qof kasta wuxuu jirkiisa leeyahay qaab uu u shaqeeyo oo la socda qorax soobaxa ama qorax dhaca. waana sababta aan habeenkii u hurudno.

Balse dadka qaar jirkooda soo jeedka ayuu jacel yahay marka loo eego dadka kale.

Damaashaadka subixii waa in la tooso xilli hore, daalna la dareemo haddii illaa xilli dambe oo habeenkii ah la soo jeedo.

Dadka dhafra way ka duwan yihiin sidaa, waxay jecel yihiin in ay sariirta iskaga jiifaan ayna soo jeedaan iyagoo firfircoon illaa xilli dambe.

Dhibaatada dadka dhafra haysato waxay tahay in aysan la qabsan karin xeerka caalamiga ah ee ‘sagaal-illaa-shan, ee alaarmiga subixii lagu tooso saacada ka hor inta uusan jirkaaga diyaar u noqon inaad sariirta ka kacdo.

In habeenkii la dhafro waxaa lala xiriiriyay caafimaad daro.

X/BBC