Dhoodaan 

Qiimaha gabayga iyo siduusan kabmo iyo kaalmaysi qalab ugu baahnayn ayuu sharraxayay.

   • Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye 

•Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doondoone 

•Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe 

•Dardarsiintu way u daran tahee, marin-daygaa u roone 

•Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’a weyn tahaye 

•War waa deeq Ilaah baxshiyo, doobir gooni ahe 

•Sidii hees la darandooriyiyo, koox la dananaysa 

•Durbaan muusig ima daahiyiyo, duul xafida wiige (week) 

•Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasas loo tumo e 

•Dusha iyo haddaan saari jiray, duuda guradeeda 

•Daldalaadii horre haatan waa, inaan ka daayaaye 

•Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye