Cilmiga bulshada waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay culuumtii ugu horreeysay ee aadanuhu uu baaro, waa cilmi daraaseeya aragtida kala duwan iyo xiriirka qofka kala dhaxeeya bulshada iyo deegaankiisa.
Aadanuhu waxa uu baaritaan ku sameeyay xilliyadii kala duwanayd ee lasoo dhaafay mawaadiicda khusaysa dhanka bulshada ee fikirka, waxqabadka oo keeni kara inuu aadanuhu uu gaaro ilbaxnimo casri ah oo xoogga la saareysa xiriirka wanaagsan ee fayow ee aadanaha dhexdooda ah, waxaana la qabtay shirar caalami ah oo looga gollahaa in lagu gaaro nabad iyo wada noolaanshiyo, halkaana waxaa kasoo dhex baxay fahamka cilmiga Bulshada.
Qeexitaanka Cilmiga Bulshada
Cilmiga Bulshada(Socology) waa diraasadda qaab cilmiyeed loo baaro hab dhaqanka shakhsiyaadka bulshada ka tirsan iyo aasaaska bulshadu ay u qorsheyso noloshooda, waxaanuu cilmigani muhiimad siinayaan daraasadda xiriirka qofku uu la leeyahay bulshada, waxyaabaha saameynta ku leh xiriirkaas iyo cid kasta kaalinteeda.
Waa cilmiga rogroga si qoto dheerna u daraaseeya xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya dadka iyo waxa ka dhalan kara ee muuqaalka bulshada ah ee lagu kala duwan yahay ee bulsho kastaana u gaarka ah xilliguna uu bedelo, u fiirsiga gaarka ah iyo daraasadda habdhaqanka qofka oo ugu dambeyn lagala soo baxayo heerka uu gaarsiisan yahay horumarka iyo dib u dhaca bulsho kasta.
Muhiimadda Cilmigan uu Leeyahay
Cidna kama qarsoona kaalinta iyo muhiimadda ballaaran ee cilmiga bulshada uu leeyahay iyo sida uu u saameeyo nolosha qofka iyo bulshada iyo horumarka fakarka bulshada. Ibnu-Khalduun ayaa ku sheegay kitaabkiida Muqadamada : “Ogow in cilmigani uu yahay mid cusub oo layaab badan, faa’idooyin-kiisuna ay aad u ballaaran tahay”. Mar uu ka hadlay cilmiga cusub ee uu dunida ku soo kordhay ee cilmiga bulshada ah.
Hadaba, muhiimadda ballaaran ee cilmigani leeyahay oo aad u farabadan, anagu waxaan ku soo koobaneynaa qodobadan:
1 – Hubinta Xiriirka ka dhexeeya qofka iyo bulshada uu la noolyahay oo uu si gaar ah u eego.
2 – Isku day dhisidda aragtiyo bulsheed oo laga soo dheehday waayo aragnimo iyo tijaabooyin lasoo maray si guuldarrooyinka soo noqnoqda looga gaashaanto.
3 – In si xeel dheer oo mugleh loo fahmo qawaaniinta bulshada hagta.
4 – Waxa uu ka qeybqaataa cilmigani in xal loo helo mushkiladaha dhanka Akhlaaqda ah ee bulshada ku dhex faafsan, kuwa sida aan habbooneyn saameynta ugu leh iyo sida togan amaba taban uga dhex jira bulshada.
5 – Waxa uu hal waddo iskugu soo ridaa oo uu is waafajiyaa mu’asasaadka diiniga ah, kuwa dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo kan barbaarineed ee bulshada.
Qeybaha Kala Duwan ee Cilmiga Bulshada
Cilmiga bulshada waxaa saameyn ku yeeshay, sida ku dhacay culuum farabadan, kacdoonkii dhanka warshadaha, waxaa batay muhiimadda la siinayo cilmigan iyo goobaha uu taabanayo oo aad u tiro bateen ayaa waxaa dhacday in dhinacyo kala duwan uu u farcamay, waxaana faracyadiisa ka mid ah:
Cilmiga Bulshada reer Miyiga oo ka hadla reer miyiga iyo dhaqankooda, gaar ahaan reer guuraaga, Cilmiga bulshada ee Barbaarinta oo ka hadla kobacinta Shakhsiyadda qofka, cilmiga bulshada ee reer magaalka, Cilmiga bulshada dambiyada oo xoogga saara in ay daraasad ku samayso sababta dambiyada iyo heerka saameyntooda. Cilmiga bulshada ee dhanka Diimaha; Cillmiga bulshada ee dhanka siyaasadda, Cilmiga bulshada Warshahadaha iyo ugu dambeyn Cilmiga Bulshada Qaanuunka.
Culumadii Ugu Caansaneyd Cilmigan
Culumo farabadan ayaa ku caanbaxday cilmigan, waxaa ka mid ah:-
– Ibnu-Khalduun: waxaa la oran jiray Cabdiraxmaan Ibnu Khalduun, waxa uu ku dhashay dalka Spain sanadkii 1332 miilaadiyada, waxaana loo aqoonsan yahay inuu yahay aasaasaha dhabta ah ee cilmiga bulshada, dhagaxii ugu horreeyayna dhigay cilmigan, sidaas oo kale waxa uu ka mid ahaa culumadii Taariikhda iyo dhaqaalaha.
– Auguste Comte: Waa caalim Falasuuf ah oo u dhashay dalka Faransiiska, waa caalimkii bixiya magaca cilmiga Bulshada ee maanta loo yaqaanno.
– Herbert Spencer: Waa mid ka mid ah mufakiriintii ugu waaweynayd ee dalka Ingiriiska, waxa uu saameyn ballaaran lahaa dhamaadkii qarnigii 19aad, waxaana loo aqoonsan yahay inuu yahay aabihii labaad ee cilmigan bulshada, kadib Auguste Comte.
Sources:
a) محمد أحمد (القاهر) (8-6-2016)، “ابن خلدون… مؤسس علم الاجتماع”
b) “Auguste Comte”, Stanford Encyclopedia of Philosophy,1-10-2008، Retrieved 30-12-2016.
c) Herbert Spencer”, Online Library of Liberty, Retrieved 30-12.
Maandeeq FM