Ayaamo ka dib, Siciid oo ambabax ah oo fasaxii ka dhamaaday, ayaa uu maqlay Cabdi Maxamed Xirisi oo leh qaalin geel ah baa naga halaawday, oo waxaa loo maleenayaa reerii guuray inay raacday, markaa waan ka dab tagayaa. Siciid baa u yeedhay oo yiri ma Lama daga baad aadaysaa? wuxuu yiri, haa. Waayahaye fariinta iga qaad oo Saafi iga gee. Wuxuuna yiri siciid:
Cabdiyow sadcaashayee haddaad suunta nabad qaadid
Waxaad sagal lamoodii ku oran saacadaad aragto
Sidii gaal santari loo diroo saacaddii dayaya
Ama macalin sowdkii quraan sugaya eedanka
Sawir baad ku tahay laabta iyo saabka feedhaha dheh
Mana seexdo soortana macuno mooyi saan ahay dheh
Sagalbaxay la moodyey adan kuu sahwiyayaa dheh
Bal inaad sidaydaa tahiyo samir inaan qaato
Su’aal igu sheeg taladu yay suurka kaa xulin dheh
Siciid wuu tagay Heego iyo waxbarashadii. Cabdina fariintii ma geyn. waayo, qaalintii meel sokuu ka helay. Siciid intuu waxbarashada joogay, wuxuu qalbigiisu lahaa run iyo beeni kala raad roon Jaceyl waayay xannaano xabaalba u danbayso. 10 bilood oo uu ku mashquulsanaa waxbarashadiisa, ayuun jacaylkii maqaarsaarka ahaa oogadiisa saamayn. Waa uu ka walwal la’aa. Ma jirin dareen sidii Cabdirashiid, hadba ku soo laba kaclaynayey qalbigiisa. Fasixii danbe, markii la gaadhay, ayuu Siciid ku soo noqday reerkoodii iyo beeshii uu ka dhashay. Waxa uu yimid iska oo naftiisa la sheekaysanaya dooxo la yidhaahdo, Qowlo. Qowlo oo ahayd meel daaq fiican leh, aad na u deellanayd. Siciid waxaa loo sheegay, inayna imaanayn reerkii Saafi ka dhalatay sannadkan Ramaad. Waayo, barwaaqo ayaa ka dhacday Lama-daga, ayaa aad u deellan. Siciid talaa ku caddaatay isaga oo leh, guul baa kuu muuqatee misaasad kaga hadhaysaa? Wuxuu waraystay dhalinyaradii, oo uu waydiiyey, wax reerkeena ah oo Lama-daga deggani ma jiraan? Dabcan, haa ayey ku dhaheen, oo waxay usheegeen geelal iyaga ah oo dhowr kadin ah, inay reerka ciid bulaale oo ah kay Saafi ka dhalatay meel u dhow galaan. Siciid markii loo sheegay wuu gartay geelashii ka dibna go’aan buu gaaray. Wuxuuna u dhaqaqay Lama-daga. habeen haddii uu dhexda ku sii jiray, waxa uu aroortii danbe u tagay geelashii. Waa ay is garteen nimankii geela hayey iyo Siciid. Balse waxay uga dhigeen salaan, ” Maa tii yarayd baad soo raadisay?
” Haaye, aaway reerkoodu ayuu ugu halceliyey.
Haddii ba la is ujeeddo fahmay, waxay u tilmaameen kayn aan ka ba fogayn kobta aygeela ku hayaan, oo uu reerkooda oo qudhihi deggan yahay. Dabaddeed, waxay u xigsin liseen halo dhalay oo hareeri soo daaqay, xili barwaaqo ah. Galabtii buu soo saqaafay isgoo u daqaqamay kayntii loogu sheegay reerka , meeshu waa Lama-daga, waxay hodan ku tahay geedka la yidhaahdo galoolka: Kaas oo markaad ag marayso foodhya, dareemo daaqsinta ku wanaagsan. Isaga oo ku dhex dhuumanaya, dareensanna, haddii la arko in saafi gaadh laga qabanayo. Ileen waatii la isku ogaa jaceylkooda ee. Nasiib wanaag, goor cadceedu dhacday, xiliguna yahay hiimse hiimse buu arkay Saafi oo geedo galool ah hoostooda xabka ka jabinaysa. Isaga oo shanqadh badan iska dhawraya buu meel gaaban
kagasoo baxay, si kadis ah…!
___saafi markii ay aragtay Siciid, mar way naxday waayo, mayna ka filanayn inuu ugu
iman laba-daga. markalena way faraxday, oo waxay u boholyawsanayd aadna u jacelayd
aradtidiisa. Siciid: Saafi salaan jaceyl iga gudoon
Saafi: Gudoomay bay cod macan oo naxariis leh
ku tiri
___Gacaliye markaan dhayaha kaa qaaday jidhkaa dhamaan I jidhidhicooday
__ aniguba kula mid ayaan ahay isoogoo muusoonayo ku yiri
__ ma fiicantihiin
___Haaye bal waran bay tiri Saafi
___ Siciid wuxuu ugu jawaabay:
Dalshisheeye iyo waxan ka imid daanki xaysimo e
Duudii bahday waxay dagtaa damashi qowloode
Waxa geelu noo daaqi jiray daafti marag maale
Doobaa karuur noogu jiray dacarta jilaale
Dacalada nuguul bay farduhu deedamahayne
Dushan hawdkan uma soo baxeen dowdan boorka lehe
Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone
Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid
Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada
Duray iyo duray bay xarago nagu daboolayde
Doonyuhu waxay noo sidaan damash magaalade
Darban gabadha ah reerahayagay daris wadaageene
Dadkana way ka buuxdaa mid yar oo dahab la moodaaye
Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone
Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid
Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada…