Saafi oo hadallada Siciid ka yara shakisan baa ku tiri “I dhaaro”
__Wallaahi waan kuu imanayaa, ayuu Siciid ugu dhaartay gacalisadiisii Saafi. In cabbaar ah haddii uu ka maqnaa, Siciid waa u yimid Saafi oo uu ka tagay Casayr. Siciid oo ah hal-abuur aftahan ah baa ku jalbeebiyey Saafi, ammaan middii ugu qiimaha badnay ee ku jirtay maskaxdiisa. Waxa uu ku
yidhi:
“Gobanimo rugteedaay
Garashiyo aqoontana
Tii lagu galadayeey
Guurti iyo wax qabadeey
Guddi aan baqayneey
Garta abaheeday
Gundhig iyo xishooday
Mabda’ iyo go’aaneey
Murti gogol dhigadeey
Ma guuraan xigmadaheey
Gabadhii adduunkee
Rabbigay gargaaraay
Gololoy jaceylkii
Aynu gabagabaynee
Galbi hadaladayoo
Soo gunaanad caashaqa”
Saddex bilood kaddib, Siciid oo aan ogayn baa reerkii saafi ka dhalatay guureen. Waxayna ku noqdeen dageenkii ay awal ka yimaadeen, oo ahaa lama deggaan. Deegaankoodii oo roob ku da’ay, abaartiina ka baxday bay ku soo noqdeen. Laba habeen haddii ay ba ka sii maqan yihiin reerkii ay ka dhalatay Saafi Ciid, deegaankii uu Siciid ka dhashay ee Ramas, fasaxii dugsigunna uu u gaadhay misne ma ogaan guuridii reerkii Saafi iyo. Siciid oo ahaa nin dhalinyaradu aad u jeceshahay oo sheeko badan, aadna u xigmad badan, ka sokow da’yaridiisa, bay habeen habeennada ka mid ah wiilal dhawr ah oo ka mid ah kuwii xiisayn jiray Siciid ku yidhaahdeen, sheekoolow “Baryahanan kaftankii iyo sheekadaadii ma aanan maqal ee, haddii ay kaa fogaatay gacalisadaadii Saafi, maxaad noogu imaan wayday?” Sicii oo ku halqabsanaya wiilkii su’aasha kaga nixiyey, isna leh yaan la dareemin inuu yahay maqaarsaar jacaylkaadu
yidhi:
“Cabdiyow hadday guur qasdigii qabato labtaadu
Oo qirihu gabadh kaaga dhaco waa qisiyo yaabe
Anigu qaayis baan ahay intaad wadda qoslaysaane
Qulbayoo inaadeer lafahoo qawan bay hadhaye
Qalbigaygii inantaa casbaa qaaday waa hore’e
Waa quliyad iimuuqatiyo qoomka saadada’e
Jeer ay qadraay maheriyaan qaddigiyo sheekhu
Ay aniga ii qalad baxdaan qun ula haasaawo
Qancimaayo oo iga wallaanan qaayo u lahayn.
Dhalinyaradii qosol bay la dhaceen, iyagoo ninba meel ka soo tuurayo, ileen ninku ma noola, ileen jaceylbaa dilay. kadib waxay yidhaahdeen, jacaylkaadu
goormuu kugu darnaa?
___Wuxuu yiri, aniga oo hurda bay riyo iigu
timid Saafi, iyadoo ila baashaalaysa baan is iri qabso, saa anigii baa isku dhagay arbaan intaaan soo booday gogosha dhinacyadeeda ka baadhay. Waxaanse ogaaday inay iga maqantahay ee aan riyooday ka dibna hurda way igu soo dhici wayday.
___dhalinyaradii iyagoo ka xun jabka igu dhacay runa u haysta bay I yiraahdeen miyaadan
arintaa ka gabyin.
___Maye, waan ka gabyay, oo maxaad tiri habeenkàas?
Waxaan iri:
“Inantaan haraadkaan u qabay heeg u ladi waayay
Marka aan hurdada jiifsadaa la I horkeenaye
Haddan sida hilaacoo kalaa laga huf siiyaye.
Hareerahaan ka baadhaa intaan soo hambaaburo e
Hawadaan ka eegaa indhuhu kor I hanqarmaane
Sida hadda samadaa martaa lay hawadiyaaye
Markaan hoolad waayaan sidii harag islaabaye
Waa mid aan huqdeeda u dhintiyo hadimadeediiye
Hadlimaayo jeer aan habboon hoy la jiifsado”.
Dhalinyaradii waxay yiraahdeen, wallaahay ninkani halis buu ku jiraa. Ilowba waa in Saafi la helaa oo loo dhisaa, haddii kale sidii boodhari ayaa loo aasi.