Xaaji Aadan Axmed (Af-qalooc)

Gabay ku saabsan macallimiinta

Gabaygan wuxuu xaajigu ku waaninayaa Ardayda Soomaaliyeed, si gaar ahna wuxuu u tusaalaynayaa wax tarka qaayaha leh ee ay waxbarashadu leedahay iyo waxtarka ay u leedahay nolasha iyo deegaankooda guudba. Ardayga wuxuu dareensiinayaa cidhib xumada u kaydsan ardayga aan u dadaalin asluubta wanaagsan iyo dhega-nuglaanta lama huraanka u ah hawlaha waxbarashada dugsiyada iyo nolasha guudba. Isla markaana wuxuu u tilmaamayaa kaalinta laf-dhabarta u ah horumarka umadda ee ay macallimiintu had iyo jeerba sida xilkasnimada leh ugaga guntanyihiin dhismaha nolasha dadka Soomaaliyeed.

1. Oday waaya aragaan ahoo ayni wayn jiraye

2. Markaad ood ka bood tahay tashigu waa in kaa maqane

3. Wixi dana Abwaankaa gartee inammo waa mooge

4. Inaan anigu idin waaniyaa waa ammuur xaq ahe

5. Ardayey aqoonsada cilmiga aafo waa jahale

6. Ijtihaada adinkaa hor kici aradka Soomaale

7. Akhlaaq xumo iska ogaada waad ku ambanaysaane

8. Ma aflaxo ilmaha caasiyoo edebta diidaaye

9. Haddii aadan akrimin macallinadu kuuma uursame’e

10. Waa niman ammaanloo xumaan laga ilaashaaye

11. Ixtiraam la’aan lagama helo aayo iyo khayre

12. Waa kuu ilays meel mugdiya aad ku aragtaaye

13. Waa kuu afkood ku hadashiyo odhaahda liisaane

14. Waa ubaxa kii korinayoo aaminka ahaaye

15. Waa amalka nolashaa dambood ku istareexdaaye

16. Waa ilo biyalahoo ninkii ooman ka cabbaaye

17. Waa kii ixsaan kuu galoo aadmi kaa dhigaye

18. Waa kii abaal kugu lihiyo lama ilaawaane

19. Waa kii aqoontiyo cilmiga kuugu aabba ahe

20. Sida qamarka oogada jiruu kuu iftimiyaaye

21. Iyagaa abuiuraye sancada lama ogaadeene

22. Ihaanada ma dooniyo waxaan laayiq u ahayne

23. Haddii aad asluub yeelatoo dhawrto amarkiisa

24. Asmac baraha liibaantu waa inaad addeecdaaye