___Saafi waxay tiri iyada oo wajigeeda farxadi ka muuqato, ma sidiibaad wali gabaygii u
waddaa…? Wakhti ma haysto, haddii la I arkana waad
garanaysaa in wardiye culus lagu saarayo ee, wixii aad sheegaysay hadday run kaa tahay inna
dhaqaji, waan kula baxayaaye. Waxa uu u sheegay geelashan reerkooda inuu maanta u
yimid meelna u dhaafi karin.
Saafi waxay tiri ” waa kuwan aqaladannadii ee, geedkaa madow ee dhirta ugu gaaban hadhow
igu imo marka saqda dhexe lagu jiro”. Haye iyo hawraarsan ayey ku kala tageen. Siciid oo aan
nimanka geela haya mooye cid kale ka aqoon qowlo, ayaa ku soo laabtay geelashii. Salaan
kadib, waa uu u warramay raggii ay wax isku ahaayeen. Waxa uu u sheegay inay caawa saqda
dhexe guurayaan. Waxa ay siiyeen caano uu ku casheeyo. Dabadeed, markii la gaadhay xiligii ay
ballantu ahayd, noola socdana uun jirin buu geedkii isugu yimaadeen. Waayo waayo iyo mid
walba wixii uu sii mutay intay kala maqnaayeen bay isooga sheekeeyeen. Siciid oo ku han wayn
in ay raacdo, iyadna yara cago jiidayso buu ku yidhi:
Sambabka iyo beerkiyo
Halkaa saabka iyo wadnaha
Saafiyey adigaa hurdoo
Sariirbaa kuu dhextaal,
Saaxiibaday ways nacnoo
Sanqadha ka ilaaliyaan
Dhamaan isku seegnayoo
Cidlaan kaligay socdaa
Sidii aan kuu bartana
Waxbaa ila sarakacoo
Anigu soortaba ma cuno
Jaceylka sabaaliyoo
Sagsaag ka ilaaliyoo
Saafiya iga daa sahwiga
Aniga, adigaa ileh Ilaahay ka sakow. Siciid wuxuu jaclaa inay sheekadu caawo dhamaato
balse, saafi uma diyaar ahayn. Markuu damco inuu soo gabagabeeyo bay u saartaa
laamo aan laga gayoonayn. Siciid oo is xanaajinayo ayaa kacay oo yiri:
Inanyahay siraad u eg hablaha wawgu sidataaye
Soomaali dumarkooda waad ugu saraysaaye
Sarajooga goortaad kacdaa samay la moodaye
Socodkaaga iyo laafyahaa lala sarkhaamaye
Inaad soo kacaysiyo wallaal samir inaan qaato
Si wanaagsan baa loo hadlaa waan ku sugayaa.
inta kacday bay tiri ” gabay lagaa karimaaye waxaad yeeshaa waa xili danbe, haddii aynu
baxno subaxba waa la ina tabi oo waa la inaga daba iman karaaye, haddaba, kayntaa madow
ee galoolka badan subax soo gal. Gudun baan soo qadanayaa anigoo ku marmarsiyoonaya
iyo maydhax baan soo diranayaa ee sidaa iga yeel, subuxaba waynu baxaynaaa si aan habeen
danbaba Ramaas ugu dhaadhacno e.” Siciid wuu ka yeelay isagoo ugu maahmaahaya waayahay
“kaadi badane waa loo gogal badayaye.” Si qurux badan ayaa la isku nabad galiyay.
Wuxuu soo baxa cadceeda tiigsada ba, waxaa u baryey waagii. Go’aanku siduu ahaa isaga oo
madaxa ku haya buu horay u toosay. Hal dhashay oo ay nirigteedu ag taagan tahay buu gaawaha la hoos galay. Degdeg intuu u maalay buu horay caanihii ka sii qaatay. Waxa uu soo
ambabaxay xidhkii ay ku tidhi igu sii sug. Waa uu yimid kayntii jiqda ahayd. Isaga oo kolba
qoor diinlaynaya ayuu reerka eeggaa. Xoolihii oo wada kala dareeray iyo dadkii oo wada kala
shaqa tagay buu arkay. Waa la gaadhay xili barqo kulul ah. Hase yeeshe, weli ishiisu ma
qaban Saafi Ciid, goor cadceedii sii kululaatay oo ay barqo dheertahay, wataas saafi oo bila
gudin ah socoto. Balse, wax bay xambarsantahay. kaynta meeshay kaga soo beegnayd buu u sii galay. la isu yimid. Indho jacayl la isku eeg. Salaam kaddib, waxay ila tahay inaan waxba kaa danbayn oo aad soo diyaar garoowday, ayuu ku yidhi. Maya, maya awrtaa xidhxidhan inaan anigu seeteyo oo, aan maqasha adhiga ee edagta ku jirtana inaan banaanka u sii daayo baa la iga rabaa, ee waxaan isi idhi u soo sheeg. Siciid wuu cadhooday isaga oo u arka inay
waxay sheegaysay oo dhan ay been yihiin, oo ay doonayso siday Cabdirashiid u gashay inay u
gasho buu ku yidhi:
Guurtidaanu nahay golola dhool waadan garanayne
Waxaanu nahay raggaan guur u dayayn gaashka naagaha’e
Gola joogga laafyaha midii gacanta saydhaysa
Ee gaari loo hubo hablaha waanu gadanaaye
Geeli iyo waxaan siisanaa googo lacageede
Galabtaa dambeetaa aroos laga gigsiiyaaye
Gool baa halkaa lagu qalaa gananaanjiraye
Goonyaha waxaa laga ridaa gumuc rasaaseede
Gowdaa ciyaar lagu hayaa gaadh habeenimo’e
Gayaanku adiga amahoo gayiga gabadhi waa buuxe
Gow iga sii hadal cadbaa lala gedoomaaye.
Iyadoo leh gabay lagaa karimaayo mise waad xanaaqday, adigaan kugu eegayee. Waxaan
xambaarsanahay waa dharkaygiiye ina mari. Saciid oo neef wayni ka soo booday,
farxadna oogadiisa saaqday baa yiri “ina mari dhib miiran baad tahaye.”