Hawlaha arlada
Haddii lagugu aamino
Ummadda u shaqeeyiyo
Adeegaa lagaa dhigo
…
Hays odhanin cidi kuma arkaysee
Ehella sheego
Ha is odhanincidi kuma arkaysee
Ina adeerso
Nin xilqaaday eed qaadyeey
…
Hawlaha arlada
Haddii lagugu aamino
Ummadda u shaqeeyiyo
Adeegaa lagaa dhigo
…
Awood iyo sinaan
Il feejigan ayaa lagaa rabaa
Ha is odhanin cidi kuma arkaysee
Aqalla jeexo
Ha is odhanin cidi kuma arkaysee
Afka buuxso
Nin xilqaaday eed qaadyey hoy hooy.
…
Hawlaha arlada
Haddii lagugu aamino
Ummadda u shaqeeyiyo
Adeegaa lagaa dhigo
…
Ololaha runtaa
Ujeeddadiisa ayaa lagaa rabaa
Ha is odhanin cidi kuma arkaysee
Shaqa ha aadin
Ha is odhanin cidi kuma arkaysee
Qaranka iibso
Nin xilqaaday eed qaadyey hoy hooy.
…
Hawlaha arlada
Haddii lagugu aamino
Ummadda u shaqeeyiyo
Adeegaa lagaa dhigo
…
Orod iyo wax qabad
Asluubsanaan ayaa lagaa rabaa
Ha is odhanin cidi kuma addeecdee
Qalin ku aarso
Ha is odhanin kanaa kula ujeedaahe
Awr u buuxi
Nin xilqaaday eed qaadyeey heeyaa